Maxaa lagaga Hadlay Shirka 58-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland, Siduuse u Qabsoomay?

MADAXWEYNE BIIXI OO MAQAL IYO MUUQAAL KU GUDDOOMINAYA SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO MAQAL IYO MUUQAAL KU GUDDOOMINAYA SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA 2020

Hargeysa(aftahannews):- Fadhigii 58-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu guddoominayey Madaxweye Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen   xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19.

MADAXWEYNE BIIXI OO MAQAL IYO MUUQAAL KU GUDDOOMINAYA SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO MAQAL IYO MUUQAAL KU GUDDOOMINAYA SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA 2020

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

Markii shirkaasi soo xidhmayna waxa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Warka Afhayeenka Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.