Xabaalaha Baqiic oo Roobabku Qaar Dumiyeen iyo Ehelada Dad Dhintay oo la Raadinayo

Hargeysa(aftahannews):- Halkani Waa Xabaalaha Baqiic oo Masaafo ahaan 12 KM dhinaa Waqooyi kaga began Magaalada Hargaysa. Xabaalahan ayaa Sannadihii u danbeeyey ka mid ahaa kuwa Intabadan lagu aasao Dadka Ku Geeriyoda Caasimadda Somaliland.

Qubuuraha  Baqiici, ayaa la yagagleelay  12 Sano ko hor,  kuwaas oo sameeyey nidaam lagu diiiwaangeliyo Meytida, habkaas oo leh Tixraac rasmiya oo lagu aqoonsanayo Taariikhada ay Marxuumintu  geeriyoodeen iyo Magacyadooda.

Marka laga yimaaddo habka dhammayskatiran ee Xaabaalaha Baqiic, waxaa sidoo kale Jira Shaqaale heegan u ah 24 saacadood, kuwaasoo fududeeyea hawlaha Aasaska iyo diiwaangelinta Marxuumiinta.

Hase-yeeshee, muddooyinkii danbe waxaa uu Isbeddal ku yimid Qaab-dhismeedka Xabaalaha, iyadoo Xabaalaha qaar loo sameeyo Xayndaab sahlay in B’iyo fadhistaan xilliyada Roobabka, kuwaasoo Waxyeello gaadhsiiya Qubuuraha, waxaanay Roobabkii u danbeeyey dhawaacyo gaadhsiiyeen illaa 12 Xabaalood.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo Ka mid ah Dadka inta badan u ololeeya daryeelka Xabaalaha iyo wax-tarka Dadka jilicsan, ayaa Qubuurahaas booqday Salaasadii shalay, isla markaana faahfaahin ka bixiyey Khatarta ka iman kararta  Qaab-dhismeedkan danbe ee Xabaalaha iyo waxyeellada hadda soo gaadhay.

Sheekh Aadan-siiro, waxa uu xusay inaanay dowladda Somaliland iyo dolwadda hoose ee hargeysa midna xil iska saarin daryeelka Xabaalaha, waxaanu ugu baaqay inay u soo jeestaan wax ka qabashada dhibaatada Qubuuraha.

Geesta kale, Sheekh Xaaji Maamuud Xiiray (Aadan-Siiro), waxa uu sheegay in bilahan u dambeeyey hoos u dhac ku yimi tirada Meytida sida maalinlaha ah loogu aasi jiray Xabaalaha Baqiic.

Haddaba, Warbixintaas oo faahfaahsan iyo aqoonsiyada ehelada Xabaalaha Dumay Meytida ku aasan oo uu Sheekhu yeedhiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.