Maxaan Ka Dhaxlay Wada-soodkii 10-ka Sano ee Saaxiibkay? W/Q: Zamzam J. Mohomed

Qalinka Qaado oo Wax Qor
Qalinka Qaado oo Wax Qor

Waxa aannu saaxiib ahayn 10 sano, saaxiibkay waxa iskaaya baray abtigay oo wakhtigaa aanu isku da’a dhaweyn oo isgana ay saaxiib hore u sii ahaayeen. Saaxiibkay waan aaminay, waan jecelaaaday, waanan ku kalsoonaday.

Qalinka Qaado oo Wax Qor
Qalinka Qaado oo Wax Qor

Waxaan u hibeeyay hantida ugu qaalisan ee aan haystay oo ahayd wakhtigayga, lacagta aan helo meel kale ma marin jirin ee isaga ayaan siin jiray, isaguna sidaas oo kale wakhti badan ayuu ila qaadan jiray.

Saaxiibkaygan inta aan la joogay waligay ma dareemin cidlo waxa uu lahaa dabeecado u gaara waana sababta aan u xushay saxiibtinimadiisa marka uu iga maqanyay waxa aan dareemi jiray in aduunku is badelay mana heli jirin cid igu sinta inta uu ii imanayo oo booskiisii ii buuxisa.

Marka aanu is helno ayaan farxada heli jiray yididiilo xoogan ayaa igali jirtay waxa aanan dareemi jiray in aduunka aanu labadayadu ugu sareyno. Sida lagu yaqaano saaxiibtinimada qotada dheer ee laba u dhexaysa dareenka farxadeed ee isu imaanshahayaga aan u qabo maan awoodi jirin mararka qaar in aan u diyaariyo meel nagu haboon oo wakhti fiican aanu ku wada qaadanno taasina waxa ay nagu qasbi jirtay in halka aanu iska helno aanu wada fadhiisano.

Fadhigayagu wuu ka duwanaa fadhiyada asxaabta oo dhan waayo saaxiibkaygan isku fikir baanu ahayn, isma khilaafno, inta aanu wada joogno. saaxiibkay waligii ima tusin rajo xumo, waxa uu ii sawiri jiray nolol qurux badan oo ah ta qofkasta oo dhalinyaro ahi uu jecelyay in uu ku noolaado.

Markasta, waxa uu ii sheegi jiray in aan ku taaganay dariiqii guusha, dadka iga fikirka duwan aan ka saxsanay anigu, waxa uu ii sheegi jiray in aan dib u dhiggo wax kasta oo fadhigayaga aan ahayn, waxa uu igu celcelin jiray oo hadd iyo jeer i xasuusin jiray in uu aniga dartay u yimaado maalin kasta taasina waxa ay sii xoojin jirtay jaceylka aan u qabo iyo sida aan ugu kalsoonahay inta aan la joogo cid kale ma arko, mana dhageysto.

Waxa la yaaba saaxiibkaygan qiimaha badan ee aan idiinka soo sheekeeyay dabeecadihiisa iyo sida uu ii jecelyay waxa jira dad aan jeclayn saaxiibtinimadayda oo ay ka mid yihiin xubnaha qoyskaygu ha ugu sii darnaato hooyaday’e. Ma jecla hooyo in aan guriga ku marti qaado saaxiibkay hasayeeshee nacaybkaasi ma hakiyo kulankayaga.

Saaxiibkay sida aan u arko iyo sida xubnaha qoyskaygu u arkaan way kala duwntay reekayagu ilama jecla hooyo markasta waxa ay igu canaanataa in aan qeyrkay ka hadhay, cibaadadii dayacay bilaa mustaqbal noqday qeyrkay ay wax barteen, shaqeysteen reero sameysteen waalidiin toodana wax tareen inta anigu aan la fadhiyo saxiibkay.

Manta ka hor isma weydiin ee horta saaxiibkay waligii imuu canaanan, ilama talin iimana naxo habeen kasta saq badhka ayuu iga tagaa iyadoo dhannaba aanay igagga jirin oo aan tabcaan ahay oo hadii saaxiibkay wanaag iyo mustaqbal qurux badan ila dhisay saw kuma nasteen?

Maya!! Sidani sax maaha malaha waxa fiican in saaxiibkay aan yareeyo la kulankiisa, oo miyaan yarayn karaa 10 sano ayaan aduunkaba isaga ku lahaaye!

Horta aan isku dayo shaqo si aan uga mashquulo, oo miyaan shaqyn karayaa saaxiibkay oo i sugaya sideen ugu adkaysan doonaa ka maqnaanshihiisa? Bal horta aan tijaabiyo, oo maxa aan ku shaqeysan ma shaqo ayaan garanayaa?

Yeelkeed, kol aan darawal noqdana waxa uun aan isku dayo oo bilaan ilaaway ileen aabo wakii saaxiibkay baryahiii aanu is raacnay gaadhiga igala wareegaye dibna uma kaxayne! Sida ay doonto ha noqotee waa inaan meel uun tagaa oo aan sidan wax ka badelaa.

Tani waa sheekada wiil 26 jir ah, oo 10 sano cunayay qaadka, Alle mahaddii haatan ayuu ka dawoobay waxa uu yidhi “ waxa aanan ilaawayn cidkasta oo iga caawisay inaan kala hadhno saaxiibkaygii mudada dheer aan aduunka ka eeganayay oo ahaa cadowgayga koowaad. Waxa aan heshiis noqonay ehelkaygii, waxa aan u kacay salaadaha oo aan tukaday, waxa ii dhigantay lacagtii aan kula kulmi jiray saaxiibkay maalin walba”

W/Q: Zamzam J. Mohomed.