Nuxurka kulan dhex-maray Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha hoose iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM

Carbiska(Aftahannews):- Shir ay isku arkeen Masuuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellada Hoose iyo Saraakisha Ciidammada AMISOM ee gobolkaas, ayaa waxaa uu ku qabsoomay deegaanka Carbiska oo ka tirsan isla gobolkaas.

Guddoomiyaha-maamulka-gobolka-Shabeelada-Hoose-Cqaadir-Maxamed-Nuur-Siidii-300x224

Dhinacyada shiray waxa ay ka wadahadlern sidii loo xoojin lahsa amniga gobolka loogana wada shaqeyn lahaa ammaanka guud ee gobolka iyo nawaaxigiisa. Kulanka labada dhinac ayaa ujeedadiisu waxaa ay ahaayd sidii la isaga garab siin laha amniga gobolka loona horumarin lahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka.

Waxaana intaa dheeraa oo ay isla soo qaaden dhinacyada kulanka ka qeyb gashey sidii gobolka guud ahanba ay gobolka u gaari lahaayeen ciidamada amniga iyo kuwo AMISOM,maadamaa qeybo ka mid ah gobolka ay ku sugan yihiin Al Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha  ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen saraakiisha AMISOM looga hadlay amaanka gobolka iyo sidii looga nadiifin lahaa argagixisada Shabaab.

“Waxaa uu ahaa shirki mid looga hadlay amniga gobolka,waxana inta adheered oo an isla soo qaadney in shabaab laga ciribtiro gobolka Sh/Hoose ninkii isku soo dhiibi waayay jaaniska aan hore u siinay wax kale uma harin oon ka aheyn inaan taalaab adag ka qaadno.” Sidaa ayuu yidhi Siidii.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu baaq u diray Shacabka gobolkaas, isla markaana waxa uu ku boorriyey iney la shaqeeyaan Ciidammada dolwadda iyo kuwa AMISOM si gobolka looga dhigo mid nabadgelyo sugani ka jirto.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.