Soomaaliya: Tirada Dadka uu Soo Ritay COVID-19 oo Kun Afka Saartay iyo Kor-u-kaca Dhimashada

coronavirus covid19
coronavirus cocoronavirus covid19vid19

Muqdisho(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa 5-ta May 2020, ka warbixisay xaaladihii u dambeeyey ee caabuqa COVID-19, waxaanay sheegtay in 24kii saacadood ee u danbeesay ay Wasaaraddu xaqiijisay 79 Qof oo cusub oo COVID-19 laga helay.

Wasiir Fowziya Abiikar, ayaa sheegtay in 38 xaaladood laga helay gobolka Banaadir, 22 Kiisna laga helay Jubbaland, 11na laga helay Koonfur-galbeed Soomaaliya, halka 8 xaaladoodna Puntland laga helay. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa guud ahaan Soomaaliya, ayaa maraysa 835 Kiis, waxaa geeriyooday 38 Qof, waxaana bogsaday 75 Bukaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur, oo Warbixinta maalin laha ah ee xaaladda Xanuunka jeedisa, warbixinteeda Salaasada iyo Baaq ay Bulshada u dirtay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.