“Agaasimayaasha Cusbitaallada Waxaan u Sheegayaa inaanay Meydadka Lacag ku Xidhin…” Agaasime Xergeeye

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay qalad tahay inay Agaasimayaasha Cusbitaallada dowladdu Lacag ku xidhaan Dadka dhinta ee Meydadkooda Tallaagadaha Dhakhtarrada la geliyo, isla markaana ay qalad ahayd in Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada Burco adduun ku xidho Meyd Tallaagadda Dhakhtarka uu diiday in laga saaro illaa kharash la bixiyo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Abdi Xergeeye oo Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Isniintii 4-ta May 2020 jeediyey, ayaa sheegay inay arrintaan wax ka qabanayaan, isla markaana wasaaraddu ay bixin doonto wixii kharash ah ee Tallaagadaha la xidhiidha.

Haddaba, Agaasime Xergeeye oo arrintaas, xaaladda xanuunka dunida aafeeyey iyo qodobbo kaleba kaga hadlay warbixintiisa Isniintii maanta, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.