Tirada Dadka Ku Dhintay Diyaarad Ku Dhacday Bardaale iyo Xogaha Ka Soo Baxa Sabta Shilka

DIYAARAD KU DHACDAY SOOMAALIYA 2020.jpg
DIYAARAD KU DHACDAY SOOMAALIYA 2020.jpg

Bardaale(Aftahannews):- Ugu yaraan Lix Qof, ayaa ku dhintay Diyaarad Xammuul oo Isniinta 4-ta May 2020 ku dhacday meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale oo ka tirsan deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

DIYAARAD KU DHACDAY SOOMAALIYA 2020.jpg
DIYAARAD KU DHACDAY SOOMAALIYA 2020.jpg

Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur-galbeed Xasan Xuseen Maxamed, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay inaanay jirin cid ka badbaaday Dadkii saarnaa Diyaaraddaas oo Xamuul sidday.

Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Africa Express, ayaa ka soo kacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ahna Caasimadda Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, waxaanay sidday Dawo iyo Qalab Caafimaad ay geynaysay magaalada Bardaale.

Geesta kale, sida ay baahisay Shabakadda Hiiraan online, Diyaaradda ayaa loo malaynayaa inay Gantaal ku rideen Ciidammada dowladda Itoobiya ee garooka Bardaale ka hawlgala, qaybna ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

“Inkastoo ay baadhitaannadu socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta lala wadaagi doono, haddana xogta aan heleyno 90% waa in Ciidammada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen Diyaaradda.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal aan magiciisa shaacin oo la hadlay Warbaahinta Hiiraan online.

Hase-yeeshee, Sarkaalka magiciisa la qariyey ee ka tirsan Ciidammada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, faahfaahin intaas ka badan muu bixin. Illaa iyo haddana Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya midkoodna war faahfaahsan kama soo saarin shilka Diyaaraddaas iyo Sababtay u dhacday toona.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.