Jacayladu waa Mid wax Dhisa iyo Jacayl wax Dumiya! Qalinka Axmed-yaasiin Dool

Axmed-yaasiin Dool
Axmed-yaasiin Dool

Qalinka Axmed-yaasiin Dool – Jacaylka wax dhisaa, waa mid ku dhisan degenaan, kalsooni, naxariis iyo dulqaad.

Axmed-yaasiin Dool
Axmed-yaasiin Dool

Dadka jacaylkan wadaagaa, waa kuwo uu inta badan waaro, midba midka kale si degenaan leh ula hadlo ulana dhaqmo. Haddii aanay muddo wada xidhiidhin, hadba kooda hadalka ku soo horeeya ayaa ka cudur daarta in uu isagu xaggiisa ka gaabay, isaga oo qofka ay xidhiidhka leeyihiin, ereyo kalgacaleh u adeegsana.

Badi waxa dhacda, in midba ka kale ku ixtiraamo haddii uu ka mashquulo, iyaga oo mararka qaar inta aanay soo wada hadal, qoraal isku wayddiiya in ay wada hadli karaan.

Hinaasuhu kuma badna, waayo kalsoonida dhexdooda taala ayaa ka weyn. Haddiiba midkood midka kale wax yar ka dareemo, si degenaan leh, xaalad waraysina ka horeeyo, ayey wax isu wayddiiyaan, iyaga oo canaan iyo dhaliil ka fogaanaya.

Halka jacaylka wax dumiyaa kaga dhisanyahay, fudayd, marka aan fudayd leeyahay waxa aan u jeedaa, waa qofka wax jecel oo mar kasta doona in qofka uu jecelyahay wakhti la qaata, hadduu ka maqanyahay, mar kasta la hadla, haddii uu lambarka ka qaban waayo, marka laga qabto canaanta.

Haddii uu qofka uu jecelyahay cid kale ku arko, isaga aan waxba hubsan markaba booda, oo qofkiisa hadalo hinaase leh ku yidhaahda. Xidhiidhada sidan oo kale ahi, badi waa kuwo guul daraysta oo si cadho leh lagu kala tago.

Hala faraxasho, guryahana ha la joogo, Ramadaantana haga faa’iidayso.