Dr. Gaboose oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Hadal uu Madaxweyne Biixi Ku Duray iyo Taladiisa Cusub

Hargeysa(aftahannews):- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa Jawaab kulul ka bixiyey Hadal duur-xul iyo duris ah oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Warbaahinta u mariyey Axadda 3-da May 2020, waxaanu sheegay inaan u jawaabista Gaboose waxba u terayn Madaxweyne ee looga baahan yahay hoggaamin hufan iyo go’aan qaadasho toolmoon oo uu Shacabkiisa kaga badbaadin karo Sadhada Covid-19 ee uu mararka badan Dhakhtar ahaan ka digay faafitaankeeda.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa Dr. Gaboose ku eedeeyey inay talooyinkiisa la xidhiidha Cudurka Covid-19 dowlad ahaan qaateen, balse aanu Dhakhtar ahaan isagu ku dhaqmin qodobka ah dadku inay kala fogaadaan, isla markaana Shaqaalaha Cusbitaalkiisa Hal-door ay Sawirro wada galeen xilli xafladaha la joojiyey, sida uu ku dooday Madaxweynuhu.

Hase-yeeshee, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo markii Madaxweynuhu Hadalkaa Warbaahinta u mariyey ka dib, Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey Hadalka Madaxweyne Biixi, waxaanu xusay inuu Madaxweynaha kala han-waynyahay inuu u jawaabistiisa kaga mashquulo masuuliyadda culus ee Dalka iyo Dadka ka saaran, loogana baahan yahay sidii uu u Badbaadin lahaa Bulshadiisa u nugul Covid-19 oo Qofkii ugu horreeyey Dowladdu shaacisay inuu Booarama Khamiistii inna dhaaftay ugu dhintay xanuunkaas.

Waxa uu Dr. Gaboose ku dooday in Shaqaalaha Cusbitaalka Hal-door, yihiin kuwo maalin kasta la baadho oo la hubiyo xaaladdooda caafimaad, si loogu aammini karo Badqabka Bukaanka Cusbitaalka imanaya ee ay Shaqaalaha Caafimaad ee Cusbitaalku adeegyada iyo gargaarka caafimaad u fidiyaan, isla markaana uu iyaga Caafimaadkooda si buuxda u hubo.

Haddaba, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Jawaab iyo Talo isugu daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.