Madaxweyne Biixi oo Xujeeyey Dr. Gaboose iyo Culimada Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag ula hadlay Culimada Dalka ee ka soo horjeeda in la yareeyo Salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada xilligan laga cabsi qabo faafitaanka Sadhada Covid-19 ee dunida saameeyey, waxaanu u soo jeediyey inay Dadkooda u naxaan Musheekhdu oo ay aqbalaan soo jeedinta Dowladda ee ah in la yareeyo Salaadaha Jamaca ah.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale duray Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo talooyin badan oo la xidhiidha yaraynta faafitaanka Cudurka Covid-19 marar kala duwan intii cudurku dillaacay u jeediyey Madaxweynaha, Xukuumaddiisa iyo Shacabka Somaliland, kaas oo uu sheegay inay talooyinkiisa qaarkood qaateen, balse aanu isagu ku dhaqmin hirgelinta talooyinkiisa, ka dib markii baraha bulshada la soo dhigay Sawir ay Shaqaalaha Cusbitaalka Haldoor ee Dr. Gaboose ku wada jiraan oo ay isku dhaw yihiin Dr. Gaboose iyo Shaqaalaha Cusbitaalkiisu.

Haddaba, Madaxweyne Biixi oo maanta mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxaannu inta uu arrimahaas kaga hadlay idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.