Tirada Dadka Covid-19 laga helay iyo Dhimashada oo Korodhay Soomaaliya iyo Deegaannada uu Ku Fiday

Muqdisho(aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in 51 Qof oo cusub laga helay Cudurka Covid-19, isla markaana ay tirada guud ee Dadka Soomaaliya Xanuunka laga helay noqonayso 722 Ruux, isla markaana ay 32 Qof u dhinteen xanuunkaas, halka ay cudurka ka ladnaadeen 44 Qof.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbixinta maalinlaha ah ee Sadhada Covid-19 Warbaahinta la wadaagta, ayaa Axadda 3-da May 2020, sheegtay inay kiisaska Dadka xanuunka laga helayaa si kordhayso dalka Soomaaliya, isla markaana bulshada looga baahan yahay feejignaan iyo inay qaataan talooyinka caafimaad iyo go’aannada dawladdu ku xaddidayso faafitaanka Corona-virus.

Mar ay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya sharraxaysay Dadka cudurka laga helay iyo meelaha ay ku kala sugan yihiin, inta Rag ah iyo inta Dumar ah, ayay sheegtay in 32 Rag yihiin, halka 19 Haween yihiin, isla markaana 37 ka mid ah dadka maanta laga helay ku noolyihiin Muqdisho, halka 12 Ruux Puntland ku nool yihiin, 2 kalena Galmudug.

Haddaba, Warbixinta Wasiirka Caafimaadka Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ee Axadda, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.