Somaliland iyo Sadhada Covid-19 Halkay kala Marayaan? Warbixintii u Dambaysay

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inaanay jirin kiisas cusub oo 24-kii saacadood ee u dambeeyey ku soo kordhay tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 guud ahaan Dalka Somaliland, taasoo maraysa 9 Qof oo Ruux ka mid ahi ku dhintay Boorama.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa warbixinta maalin laha ah ee Wasaaradda Sabtida 2-da bisha May 2020, ku sheegay inay wadaan baadhitaanno ka badan kuwii hore, waxaanu farriin u diray Bulshada Somaliland oo uu ugu baaqay inay qaataan farriimaha caafimaad iyo wacyigelinta lagu yaraynayo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Warbixinta Sabtida ee Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.