Khilaaf Cakiran oo ka dhex-qarxay Dolwadaha Turkiga iyo Imaaraadka – Maxaa Sababay?

Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Imaaraadka CARABTA Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay 2020.jpg
Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Imaaraadka CARABTA Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay 2020.jpg

Ankara/Dubai (aftahannews):- Dagaalka xagga afka ah ee u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa sii xoogeysanaya, waxaanay labada Dal ku kala aragti duwan yihiin arrimo ku saabsan goblka Bariga dhexe iyo Afrika oo dowlad waliba doonayso inay siyaasaddeedu ka meel-marto.

Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Imaaraadka CARABTA Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay 2020.jpg
Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Imaaraadka CARABTA Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay 2020.jpg

 

Turkiga ayaa muujiyay sida uu uga careysan yahay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ay mas’uuliyiinta Imaaraadka ka wadaan dalalka Liibiya, Yemen iyo meelo ka mid ah Afrika.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Liibiya ee ay Qaramada Midoobay Aqoonsan tahay, halka Imaaraadkana ay la safan yihiin Janaraal Khaliifa Xaftar, oo doonaya inuu waddanka la wareego.

War Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in “taageerada ay dowladda Imaaraadka Carabta siiso kooxaha argagixsada ah aysan ahayn wax qarsoon”.

Byaaanka ay soo saartay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ayaa lagu sharraxay in “kooxaha argagixisada ee ay Dowladda Imaaraadka garabkiiso” oo uu ka mid yahay ururka Al-Shabaab ee saldhiggiisu yahay Soomaaliya.

“Ficillada uu maamulka Imaaraadka Carabta khalkhalka ku galinayo nabadda, amniga iyo xasiloonida ma aha kaliya kuwo uu ka wado Liibiya balse waa kuwo uu sidoo kale ka wado Yemen, Suuriya iyo guud ahaan gobolka oo uu ka mid yahay Geeska Afrika, arrintaasina waa mid ay si fiican uga warqabto beesha Caalamka.

Waxaa kale oo aan sir ahayn taageerada ay dowladda Imaaraadka siiso ururrada argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab iyo waliba kooxaha gooni u goosad doonka ah ee Yemen”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Turkiga.

“Waxaan kula talineynaa dowladda Imaaraadka inay ka waantowdo fikirka cadaawadda ah ee ay ka aaminsan tahay Turkiga, ayna aqoonsato kaalinteeda”, ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Hadalka kasoo baxay Turkiga, ayaa daba socday war-saxaafadeed kasoo baxay Imaaraadka oo looga dalbaday dhinacyada isku haya Liibiya inay u hoggaansamaan hannaanka siyaasadeed ee ay waddo Qaramada Midoobay, si loo soo afjaro dagaalka. Laakiin warkaas ayaa ammaan loogu jeediyay garabka milatari ee uu hoggaamiyo Janaraal Kahliifa Xaftar.

Waxaa kale oo ay Dowladda Imaaraadka war-saxaafadeedkaas ku cambaareysay faragalinta milatari ee uu Turkiga ku sameeyay Liibiya iyo inuu horboodayo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

Bayaanka Imaaraadka Carabta ee ku aaddanaa Liibiya si toos ah looguma soo hadal qaadin go’aankii uu Janaraal Khaliifa Xaftar Isniintii ugu dhawaaqay in ciidamadiisu ay la wareegi doonaan maamulka Liibiya.
Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, oo lagu magacaabo Hami Aksoy, ayaa sheegay in warka kasoo baxay Imaaraadka uu ahaa isku day “ay ku qarinayaan siyaasaddooda labo wajiilenimada ah”.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa isku khilaafsan arrimo badan oo ay ugu horreyso siyaasadda Bariga dhexe, waxayna labada xukuumadood la kala safan yihiin dhinacyada is haya.

Marka laga soo tago eedeynta ay Ankara ugu jeedisay boqortooyada Imaaraadka inay Al-shabaab taageerto, ma jiraan warar ka madax bannaan oo xaqiijin kara arritaan ama caddeymo loo hayo toona.

Kooxda jihaad doonka ah ayaa dagaal kula jirta ciidamada nabad ilaalinta ay Qaramada Midoobay taageerto ee ka howl gala Soomaaliya, iyagoo weerarro kalena ka fuliyay qaar ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika. Al-Shabaab ayaa gacan saar toos ah la leh ururka Al-Qaacida.

Doorka Turkiga iyo Imaaraadka;

Dawladda Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan qarax ka dhacay Muqdisho ku eeddeysay dawlad shiisheeye oo aanay si rasmi ah u shaacin.
Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa isku dhacay sanadkii hore, kaddib markii maamulka farmaajo ku dhaqaaqay talaabooyin uu ku carqaladaynayo heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkadda DPWORLD.
Imaaraadka ayaa xilligaa isaga baxay saldhigyo uu ku lahaa muqdisho, isla markaana joojiyey taageero uu siin jiray Dawladda Muqdisho.

Tan iyo wakhtigaasi Dowladaha Turkiga iyo Qatar oo go’doon kaga jirta waddamada Khaliijka, ayaa sii xoojiyey howlgallada ay ka samaynayaan Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.