Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee Warkiisa la Waayey oo lama Filaan Warbaahinta uga soo Muuqday

Kim Jong Un Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi
Kim Jong Un Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi

Aftahannews (Dunida):- Kim Jong-un, ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay tabisay warbaahinta Qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong Un Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi
Kim Jong Un Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi

Wakaaladda wararka ee KCNA, ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.

Ka soo muuqashadiisan fagaaraha, ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April, waxaanay taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn.

Maxaa keenay in la isla dhexmaro xaaladda caafimaad Kim Jong Un?

Wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsan Kim, ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sannad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegtay dhalashada awoowgii oo ku beegneyd 15-kii bishii April.

Kim Jong-un waligiis kama aanu baaqannin munaasabadda xuska awowgii, isla markaana way iska muuqatay inaanu si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeybgeli waayo.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas, ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim.

Waxaana, sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Horay ma u dhacday in Has Kim Jong-un la waayo?

Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegayay in la afgembiyay. Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas.

Haddii ay dhacdo in uu meesha ka baxo, yaa baddalaya?

Haddii ay dhacdo in Kim uu meesha ka baxo, sida ay doontaba ha ahaatee, ma cadda cidda baddali doonta. Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin.

Gabadh ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas.

Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha.

BBCSomali.com.