Mahiga: Ergaygii hore ee Qaramaday Midoobay u Qaabbilsanaa Soomaaliya oo Covid-19 u geeriyooday

Augustine Mahiga
Augustine Mahiga

Dodoma(aftahannews):- Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha sharciga ee dalka Tanzania, Augustine Mahiga, ayaa gelinkii hore ee maanta ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, waxaana sababta geeridiisa lagu sheegay xanuun ku soo booday, sida ay shaacisay dowladda dalka Tanzania.

Augustine Mahiga Tanzanian Minister Has Died
Augustine Mahiga Tanzanian Minister Has Died

Augustine Mahiga waxa uu ahaa diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxaanu hore u soo noqday Wakiilka Joogtada ah ee dalka Tanzania u fadhiya Qaramada Midoobay, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2010-kii.

Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sidoo kale soo noqday sarkaalka ugu sarreeya xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu dalkaas Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Danjire Mahiga ayaa ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSRS), isagoo sidoo kalena hayey xilka xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya ee UNPO, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2013-kii, kaddib markii uu xilkaas u magacaabay Xoghayihii Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki Moon, isagoo beddelay masuulkii xilkaas uga horeeyey danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Augustine Mahiga
Augustine Mahiga

Danjirahan ayaa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilka Raysal-wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khilaaf dhexmaray madaxweynihii wakhtigaas.

Bishii Demcember 2015-kii, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Tanzania, isagoo xilkaas hayey ilaa sannadkii 2019-kii.

Augustine Mahiga oo da’diisu ahayd 74-jir, ayaa xilliga uu geeriyooday hayey xilka wasaaradda Cadaaladda ee dalka Tanzania oo loo magacaabay dhammaadkii sannadkii 2019-kii.

Somaliland iyo Mahiga

Ex-president Axmed Siilaanyo iyo Danjire Mahiga

Danjire Mahiga, ayaa muddadii uu xilkaas hayay tirada dhowr jeer Booqasho ku yimi Somaliland, isagoo ka qayb-qaatay Bilowgii wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee sannadkii 2011-kii xilligii uu siyaasadda dalka hoggaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.