Tirada Dadka Cudurka Covid-19 Laga Helay Dalka Soomaaliya iyo Korodhay iyo Siday Xaaladdu Tahay

Hargeysa(aftahannews):- Tirada Dadka uu soo ritay cudurka Dunida saameeyey ee Covid-19, ayaa sii kordhaysa Dalka Soomaaliya, isla markaana waxa Khamiista 30 April dowladdu shaacisay in 19 Qof oo cusub laga helay xanuunka.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay Khamiista in la diiwaangeliyey 19 Qof oo cusub oo cudurku ku dhacay, halka ay wasaaraddu sheegtay in 11 Ruux ka bogsadeen amma ka ladnaadeen xanuunka, balse maanta iyo shalay kiisas dhimasho ah may sheegin Wasaaraddu.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in kiisaska Khamiista cudurka laga helay18 Qof oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ku nool yihiin, hal Qofna ku nool yahay deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Waxaanay 19 –ka Qof ee Khamiista la shaaciyey tirada guud ee Dadka cudurka laga helay ee Dalka Soomaaliya ay ka dhigayso 601 Qof oo u badan Dadka ku nool gobolka Banaadir, halka ay dhimashadu 3 cisho ka hor gaadhay 28 Ruux.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.