Booliska oo Xidhay Masuul Xisbiga Waddani Ka Tirsan iyo Xaaskiisa oo ka Warrantay Habka loo Qabtay

Boorama(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan, ka dib markii ay ugu galeen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas.

Guddoomiyaha Waddani ee Gobolka Awdal, ayaa la sheegay in xadhiggiisu yimi markii Xukuumaddu dhibsatay dhalliil uu maalmo ka hor Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa u jeediyey.

Xaaska Guddoomiye Maxamed Aadan Suldaan, ayaa Warbaahinta kula hadashay Guriga ay Qoys ahaan ka deggan yihiin Boorama, ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqday inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Saygeeda oo ay tilmaantay in sifo sharci-darro ah lagu xidhay, iyada oo dhalliilo u jeedisay Maayerka magaalada Boorama.

Haddaba, Warbixin ku saabsan Xadhigga Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee gobolka Awdal iyo sida ay Xaaskiisu u sharraxday habkii loo xidhay Xaajigeeda, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.