Somaliland: Wasiirka Diinta oo Imaamyada Masaajidda Ku Amray inay Mideeyaan Eedaanka Salaadaha

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdiillaahi Axmed, ayaa Iimaamyada Masaajidda u soo jeediyey inay mideeyaan Adeenka Salaadaha,SI gaar ahna ay ugu dedaalaan Salaadda Makhrib, Edaanka Suxuurta iyo Salaadda Subax.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020

Wasiir Khaliil oo Arbacada 29-ka April 2020 Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheeegay inaynu joogno Xilli uu Curtay Roobka gu’gu oo cirku daruuraysan yahay inta badan, sidaas awgeena culimada Mu’adddimiinta ah looga baahanyahay inay raacaan Jadwalka eedaanka Salaaddaha ee ay Wasaaradda Diintu u qaybisay bilawgii Ramadaan.

Sidoo Kale, Wasiirku wuxuu ka hadlay xilliga dawakha ugu badan Dadka qaarkood la kulmaan ee Suxuurta oo ay si habaqle ah Culimada Masaajiddadu u addimaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil waxa uu Ummadda Somaliland uga duceeyey Cudurka Covid-19 iyo in Alllaah ka duwo nusqaanta Raxmaadka guga ee dalka ka curtay.

Warka Wasiirka Diintu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadleen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.