Waddani oo ka hadlay Xaaladda Caafimaad ee Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Covid-19 laga Baadhayo

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in Weriye Cbdimaalik Muuse Coldoon la geeyo Cusbitaal lagu hubiyo xaaladdiisa caafimaad, iyadoo maalmihii u dambeeyey laga dayrinayey Weriyaha Caafimaadkiisa, isla markaana laga qaaday dhiigag iyo dheecaanno lagaga baadhayo cudurka Covid-19, isaga oo sannad iyo maalmo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Qoyska Samofale Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayuu Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiid Dhamme oo soo xigtay sheegay inay u sheegeen inuu leeyahay Qufac badan, isla markaana neefsashadu ku adagtay wakhtigan, sidaas awgeedna uu u baahan yahay in Cusbitaal xaaladdiisa lagula tacaalo.

Guddoomiyaha Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani oo Salaasada 28-ka April 2020 Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in dad badani u xidhan yihiin cabbirka fikirkooda, taasina ay sharci-darro tahay, Xukuumaddana looga baahan yahay inay ka waantawdo.

Haddaba, Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.