Khasaaraha Ka Dhashay Daadadka Qardho Ku Fatahay iyo Madaxweyne Dani oo Magaaladaas Gaadhay

KHASAARAHA ROOBABKA EE QARDHO IYO MADAXWEYNE DANI OO GAADHAY 2020
KHASAARAHA ROOBABKA EE QARDHO IYO MADAXWEYNE DANI OO GAADHAY 2020

Qardho(aftahannews):- Ugu yaraan lix Qof, ayaa ku geeriyooday, Boqollaal kalena way ku barakaceen magaalada Qardho ka dib markii Roobab xooggan oo xalay halkaas ka da’ay sababeen Daadad badan oo magaaladaas ku rogmay dumiyeen guryo iyo meherado badan oo Qardho ku yaallay.

KHASAARAHA ROOBABKA EE QARDHO IYO MADAXWEYNE DANI OO GAADHAY 2020
KHASAARAHA ROOBABKA EE QARDHO IYO MADAXWEYNE DANI OO GAADHAY 2020

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isla Salaasadii maanta gaadhay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka qaybgalay Xabaal-wadareed loo sameeyey 6-da Qof ee Daadkaas ku dhintay.

Waxa uu Madaxweyne Dani oo Tacsi u diray Qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Shacabka Puntland uu sheegay inuu guddi u saaray dib-u-dejinta iyo caawinta Dadka hantidoodii ku waayey Daadadkaas ee guryohoodii ku barakacay iyo Qoysaska Dadkooda ku waayeyba.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku baaqay in laga fogaado goobaha Biyo-mareenka ah oo aan la degin. Waxa kale oo uu Bulshada ugu baaqay inay ka taxaddiraan Cudurka Covid-19, isla markaana ay u dhego-nuglaadaan aqbalidda Farriimaha iyo Talooyinka Caafimaad ee dowalddu u jeediso.

Haddaba, Muuqaalkan Warkaas oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.