Korodhka Dhimashada iyo Dadka u Soo Dhacay Covid-19 ee Soomaaliya iyo Kiisaskii u Dambeeyey

WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA IYO MASUULIYIIN KALE 2020
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA IYO MASUULIYIIN KALE 2020

Balad-xaawo(aftahannews):- Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee coronavirus, kaddib markii dad looga shakisanaa inay cudurka qabeen ay ku geeriyoodeen halkaas.

WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA IYO MASUULIYIIN KALE 2020
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA IYO MASUULIYIIN KALE 2020

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa ka walaacsan in aysan heysanin qalab lagu baaro Covid-19, iyagoo sheegay inaysan garan karin in xitaa uu magaalada ku dhex jiro xanuunka.

Dr Axmed Caddaw Maaddey, oo ah isuduwaha Caafimaadka ee degmada ayaa BBC-da u sheegay in qof ay aad uga shakiyeen inuu cudurka ku dhacay uu ku geeriyooday Beledxaawo.

“Ilaa hadda kiisas xaqiiqo ah ma heyno, shaki wuu iska jiraa. Ilaa hadda saddex ruux baan ku tuhunnay inay xanuunka qabeen. addexda ruux, qof ka mid ah isbitaalka ayuu yimid, wuu xanuunsanaa, waqti buu joogay, laakiin habeen buu isaga baxay isagoo aan laga war heynin, hal habeen kaddibna wuu geeriyooday”, ayuu yiri Dr Axmed.

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay soo gaareen warar ku saabsan inuu ninkaas xanuunno kale qabay. “Qofkaas asaga ah waxaa lagu sheegay inuu qabay xanuunno kale oo neef qabatoon keena, balse annagu shaki baan ka qabnaa inuu corona ahaa, sababtoo ah baaritaan ma aannaan marsiinin calaamadihiina way ka muuqdeen”.

Dr Axmed ayaa sheegay inay arkeen ilaa saddex qof oo loo maleynayo inay xanuunka qabaan, kuwaasoo uu ku jiro ninka geeriyooday.

Hay’adda WHO ayuu u diray baaq uu uga dalbanayo inay maamulka degmada gacan ka siiyaan qalabka baaritaanka Covid-19. Beledxaawo waxa ay xuduud la wadaagtaa magaalada Mandheera oo dad badan laga helay xanuunka Covid-19.

Maaddaama oo ay dadku labada magaalo isu socodkooda uu furan yahay, waxaa jirta cabsi ah in Beledxaawo uu gaadhay xanuunkan saf-marka ah.

SOMALIA SHAQAALE CAAFIMAAD OO LOO TABOBBARAY LA TACAALIDDA COVID-19
SOMALIA SHAQAALE CAAFIMAAD OO LOO TABOBBARAY LA TACAALIDDA COVID-19

Haddaba, si aan wax badan uga ogaano waxaan khadka teleefoonka ku xidhiidhnay Dr Axmed Caddaw Maaddey isuduwaha Caafimaadka ee degmada waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabduqaadir Yuusuf Cali.

Tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa sare u kacday;

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 ka mid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28.

Xigasho BBCSomali.com.