Soomaaliya: 9 Qof oo Ku Dhintay Cusbitaalka Dadka Covid-19 laga helo u gaarka ah & Korodhka Tirada Cusub

Cusbitaalka Martiini ee MUQDISHO OO DAD UGU DHINTEEN COVID-19 2020.jpg
Cusbitaalka Martiini ee MUQDISHO OO DAD UGU DHINTEEN COVID-19 2020.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Sagaal Qof ay xalay ku dhinteen Cuisbitaalka lagu daweeyo Dadka uu ku dhaco Cudurka Covid-19 ee Martiini oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Cusbitaalka Martiini ee MUQDISHO OO DAD UGU DHINTEEN COVID-19 2020.jpg
Cusbitaalka Martiini ee MUQDISHO OO DAD UGU DHINTEEN COVID-19 2020.jpg

Wasaaradda Caafimaadku, waxay sheegtay in mid ka mid ah sagaalka Qof laga helay Xanuunka, midna laga waayey, halka 7 kale weli natiijada baadhitaankooda la sugayo.

Sidoo kale, waxay Wasaaraddu sheegtay in kiisaska cusub ee 24-kii saac ee u dambeeyey Covid-19 laga helay Soomaaliya ay yihiin 44 Ruux, halka ay tirada guud ka marayso 480 Qof.

Tirada Dhimashada Soomaaliya ee 24-kii saac ee u dambeeyey, ayaa ah 3 Ruux, taasoo dhimashada guud ka dhigaysa 26 Qof Soomaaliya oo dhan, halka ay ka bogsoodeen 14 Qof, sida ay Warbixinteeda Isniinta 27 April ku sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya.

Bishii March 2020 16-keedii, ayaa Dalka Soomaaliya laga sheegay in laga helay Qofkii u horreeyey ee Qaba Cudurka Dunida saameeyey ee Covid-19, oo bishii November 2019 ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, isla markaana dunida wada gaadhay marka laga reebo dhawr dal oo keliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.