Hargeysa oo Lagu Gubay Qaad badan oo Sharci-darro ku soo galay Dalka iyo Dardaaranka Masuuliyiinta

SOMALILAND OO NOQOTAY XABAALAHA QAADKA IYO QAAD LAGU GUBAY HARGEYSA 2020.jpg
SOMALILAND OO NOQOTAY XABAALAHA QAADKA IYO QAAD LAGU GUBAY HARGEYSA 2020.jpg

Hargeysa(aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Isniinta 27 April 2020 Dab qabad siiyey Laba Boqol oo Kiiloo oo Jaadka Jabiska loo yaqaanno ah iyo Sagaashan Marduuf oo Dadar ah, ka dib markii uu si sharci-darro ah dalka ku soo galay Jaadkaasi intii la joojiyey Qaadka ka dib.

SOMALILAND OO NOQOTAY XABAALAHA QAADKA IYO QAAD LAGU GUBAY HARGEYSA 2020.jpg
SOMALILAND OO NOQOTAY XABAALAHA QAADKA IYO QAAD LAGU GUBAY HARGEYSA 2020.jpg

Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ka hadlay goobta Qaadka lagu gubay oo ay goob-joog ka ahaayeen Maamulka gobolka Maroodi-jeex, Maayerka Degmada Hargeysa, Guddiga la-dagaallanka Covid-19 ee Heer Qaran iyo heer Gobol, waxaanay halkaas ka soo jeediyeen Dardaaran la xidhiidha dhaqangalka hakinta Qaadka oo ka bilaabantay 26 April 2020, soconna doonta illaa Ramadaanta lagu jiro.

Masuuliyiinta halkaas ka hadlay iyo sida Qaadkaas oo lagu soo qabtay Laba Gaadhi oo ay iyagana sheegeen inay dowladdu la wareegtay-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.