Prof: Buubaa oo Talooyin Ku Saabsan Wadahadalka Soomaaliya u Jeediyey Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay la Timaaddo Qorshihii ay ku Waajihi lahayd Wadahadalka ay la yeelanayso Soomaaliya.

Prof: Buubaa oo Isniinta 27 April 2020, warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Somaliland abuurto Guddi adag oo la jaan-qaadi karta Guddiga wadahadalka ee Dowladda Federaalka ahi dhistay, isla markaana aan loo baahnayn Guddi laab-la-kac iyo caaddifad lagu dhiso, ee loo baahan yahay Guddi cilmi iyo aqoon ku dhisan oo shaqeeya markasta.

Ismaaciil Buubaa waxa uu sheegay in Somaliland laga rabo inay la timaaddo siyaasad furfuran iyo inay indhaha iyo maskaxdaba furto, si dhawna ula socoto is-beddellada Siyaasadeed, Dhaqan-dhaqaale iyo Bulsho ee Dunida, gaar ahaan Afrika ka socda, si ay dhaw ugu gaadhi karto hadafkeeda iyo himiladeeda.

Hadalka Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.