Qaad la Soo geliyey Laascaanood oo la Gubay iyo Gaadhiga Siday oo Dowladdu la Wareegtay

Laascaanood(aftahannews):- Ciidanka Ammaanka iyo Maamulka gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood, ayaa gacanta ku dhigay, isla markaana gubay Qaad si sharci-darro ah loo gelinayey magaaladaas, ka dib markii 26 April oo Axaddii toddobaadkan ku beegnayd la bilaabay dhaqangelinta hakinta Jaadka muddada Bisha ku siman ee ay Guddiga ka hor-tagga Covid-19 ee Qaranka Somaliland soo saareen in la hakiyo Jaadka dalka imanaya.

Masuuliyiinta gobolka Sool iyo degmada Laascaanood, ayaa Warbaahinta kula hadlay halkii Qaadkaas Dabka lagu qabadsiiyey, isla markaana gaadhigii siday oo Laangaruusal ah ay Dowladdu kula wareegtay, siday sheegeen Masuuliyiintu.

Warkaas oo Faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.