Somalia: Tirada Dadka u Dhintay iyo inta laga Helay Cudurka Covid-19 oo Cirka Isku Shareertay & Warbixintii u Dambaysay

Muqdisho(aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay korodhay Tirada Dadka laga helay Xanuunka Covid-19 iyo inta u dhimatay-ba, waxaana 24kii saac ee u dambeeyey, ayaa laga helay 46 Qof.

Wasiirka Caafimaadka Federaalka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur oo warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaraddaas Warbaahinta kula wadaagtay Muqdisho Axaddii maanta, ayaa sheegtay in Tirada guud ee Dadka Cudurka laga helay marayso Soomaaliya 436, halka ay dhimashadu marayso 23, inta ka ladnaatayna tahay 10 Ruux.

Haddaba, Wasiirka oo faahfaahinaysa kiisaska cusub sida lagu helay, meelaha laga kala helay iyo Rag iyo Dumar siday u kala yihiin, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.