Somaliland: Wajaale iyo Balligubadle oo Qaad lagu Qabtay Joojinta ka Dib iyo Waxa laga yeelay

Hargeysa(aftahannews):- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa Xadka ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan ee Wajaale iyo Balligubadle ku qabtay Gawaadhi Qaad siday oo doonayey inay Dalka soo geliyaan, iyadoo 26-ka April oo Axaddii maanta ku beegnayd ay ka bilaabmaysay hakinta Jaadka Itoobiya, si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid-19.

Gaadiidka Qaadka lagu qabtay mid ka mid ah waxay Maamulka gobolka Hawd ee Magaalada Balligubadle iyo Ciidanku u soo gudbiyeen dhinaca magaalada Hargeysa isagoo qaadku saaran yahay, waxaana lagu wareejiyey Taliska Ciidanka Birmadka, kuwaas oo ku xareeyey gaadhigaas iyo qaadkii saarnaaba Taliska Ciidankaas ee magaalada Hargeysa.

Hase-yeeshee, Gaadhiga labaad oo lagu qabtay Wajaale, ayey Ciidanka Booliska iyo Maamulka Wajaale Warbaahint u soo bandhigeen Baag ka mid ah Qaadkii uu siday oo inta Jawaanka uu ku xidhnaa laga soo saaray Gaas iyo Dab la qabadsiiyey.

Wararkaas oo Faahfaahsan iyo Masuuliyiinta ka hadlay waxay ka yidhaahdeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Degmada Wajaale:-

Hargeysa illaa Balli-gubadle:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.