Roobab Dhimasho, Dhaawac iyo Khasaare Hantiyeed Sababay oo ka Da’ay Degmada Xudun

Xudun(Aftahannews):- Ugu yaraan hal Ruux ayaa ku geeriyooday, mid kalena dhaawac culus, ayaa ka soo gaadhay gurigooda oo ku dumay, ka dib markii Roobab Dabaylo watay oo ka da’ay degmada Xudun ee gobolka Sool.

Roobabka mahiigaanka ah ee Khasaaraha nafeed iyo hantiyeedba dhaliyey, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Ramadaan koowda ahayd ka da’ay degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool. Allaah ha u naxariitee waxaa guriga ku dumay ku nafwaayey Marxuun Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa halka uu dhaawac daran ka soo gaadhay Cabdilaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah ka dib markii uu ku soo dumay gurigay ku jireen.

Maayarka dagmada Xudun Faarax Cali Ibraahin oo ka hadlayey khasaaraha roobabkaasi gaysteen ayaa sheegay ilaa labatan guri oo isagu jira sandaqado iyo daaro ay roobabkaasi dumiyeen, isla markaana dadkii guryahaasi ku jiray ay hoy la’aan yihiin iyadoo lagu jiro xili roobadka guga dalka ka curteen, waxaanu ku baaqay in gurmad lala gaadho Dadkaas Roobabku baro-kiciyeen.

Warkaas oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.