Somaliland: “Waxaan Cashuur-dhimis u samaynay Raashinka, Agabka Caafimaad iyo..”

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay cashuur-dhimis u samaynayso Raashinka Quutal-daruuriga ah iyo Dawooyinka, gaar ahaan kuwa lagula tacaalayo Cudurka Covid-19 iyo Agabka caafimaad ee Gafuur-xidhka iyo gacmo-gashiga lagaga gaashaanto xanuunkaas.

Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire oo xubin ka ah Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Corona-virus, ayaa Jimcihii Maanta sheegay inay dowalddu go’aansatay inay Cashuurta ka dhinto 20% Raashinka noocyadiisa kala duwan.

Waxa kale oo Wasiir Sacad sheegay in Sanduuq dhaqaale oo ay Dowladdu u samaysay in laga taakuleeyo dadka uu saameeyey Cudurka Covid-19, sidoo kale Sanduuq labaad ay ku shubayso Hal Milyan oo Doollar, si loogu kaabo ganacsatada yar-yar ee safmarku saameeyey.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, waxa uu intaa ku daray in Sanduuqa saddexaadna lagu shubayo Hal Milyan oo Doollar oo isna loogu talo-galay la-dagaallanka iyo ka hortagga Covid-19.

Shir-Saxaafadeedka uu Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland oo ay weheliyaan Ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, waxaannu warkiisa idiniku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.