Shirkadda BAT oo ku guulaysatay inay Somaliland Keento Tubaakada Afka laga Qaato ee Kansarka Sababta iyo Fududaynta Dowladda

Tubaakada BAT LYFT OO SOMALILAND LA KEENAY 2020
Tubaakada BAT LYFT OO SOMALILAND LA KEENAY 2020

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Qoraal uu ku Joojiyey Tubaakada Shan Maalmood ka dib mid kale ku Fasaxay!

BAT, waxay Madaxda Bariga Afrika Siisaa Laaluush si ay sharciga ugu dhaafto….”

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(aftahannews)- Shirkadda Tubaakada ee loo yaqaan BAT (British American Tobacco), ayaa ku guulaystay inay Somaliland usoo waarado Tubaacada Afka laga qaato ee loo yaqaan LYFT, taas oo khatar ku ah Caafimaadka, isla markaan la cadeeyay inay sababto Kansarka ku dhaca sanbabada.

Tubaakada BAT LYFT OO SOMALILAND LA KEENAY 2020
Tubaakada BAT LYFT OO SOMALILAND LA KEENAY 2020

Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda Somaliland, ayaa isku khilaafay in shirkadda BAT, dalka soo geliso Tubaakadaa Shirkadda BAT, kadib markii 13 April 2020, Wasaarada Ganacsiga Somaliland joojisay in dalka lasoo geliyo tubaakadaa oo dhan 300 kartuun, oo mid walba ay ku jiraan 48,xabo oo ah tubaakada Afka laga qaato.

Telefishanka Eryal Tv ee laga leeyahay Somaliland, ayaa warbixin uu arrintaa ka baahiyay kusoo bandhigay qoraalka ay Wasaaradda Ganacsiga ku joojisay in dalka la soo laga soo geliyo Tubaakadaa oo laga soo dejiyay Madladmarka Egal International Airport ee Hargeysa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Tubaakada ay tahay khatar caafimaad oo sababi karta Cudurka Kansarka ee ku dhaca Sanbabada, sidoo kale warbixinta Telefisnka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsigu isku maandhaafeen arrintaa, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu qorshaynaysay in Tubaakada laga soo daayo Madaarka, isla markaana cashuur laga qaado.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Abdeeq, ayaa qoraalka uu ku joojiyay Tubaakada ee ku taariikhaysan 13 April, 2020, ku sheegay in iyagoo tixraacaya waraaqaha caafimaad ee kasoo baxay dawladdaha Swedan, Finland, Australia iyo Kenya oo dhammaantood qeexaya in Tubaakada Afka laga qaato ee loo yaqaan LYFT, ay tahay furaha Kansarka ku dhaca Sanbabada, isla markaana ay sababi karto ilaa heer dhimasho.

Sidaa darteed, wuxuu ku sheegay qoraalka Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Wersheddaha iyo Dalxiiska Somaliland in laga bilaabo 13 April 2020, aan Tubaakada LYFT, ee shirkadda BAT, (British American Tobacco), lasoo gelinkarin dalka oo ay mamnuuc tahay in lasoo geliyo, ama laga ganacsado, iyadoo ku fartay Hay’addaha amniga ee hawshoodu tahay ilaalinta dalka inay waajibkooda ka gutaan.

Hase yeeshee Shirkadda BAT, oo ay wakiil u tahay Shirkadda Red Sea/Central, waxay xidhiidho la sameeyeen Masuuliyiinta ku muransanaa arrintan ee Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsiga, waxaana si lama filaan ah qoraal uu soo saaray Agaasimaga Wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Abdeeq, wuxuu shan maalmood kadib qoraalka uu hore ugu joojiyay, ama ugu macnuucay Tubaakada in dalka lasoo geliyo ku sheegay in laga bilaabo 18 April 2020, ay wasaarad ahaan fasaxeen Tubaakada shirkadda BAT, taas oo ah Tubaakada Afka laga qaato ee LYFT.

“Kadib markii aannu xaqiijinay cadaymaha baadhitaan ee kasoo baxay Shirkadda BAT, oo ah shahaado cadaynaysa in la istcmaali karo tubaakada, sidaa darteed waxay wasaaradda gancsiga maanta oo taariikhdu tahay 18 April 2020, fasaxday in ay dalka soo gasho Tubaakada kor ku xusan LYFT.” Ayuu ku yidhi, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Abdeeq qoraalka uu ku fasaxay ku yidhi, iyadoo Telefishanka Eryal mar kale baahiyay warbixin uu ku sheegayo in lagu fasxay Tubaakada.

Warqada Agaasimaha Wasaaradda gancsiga Somaliland ku fasaxay Tubaakada 18 April 2020.

Shirkadda BAT, ee tubaakada ayaa hore loogu eedeeyay inay dalalka Afrika ay ganacsigeeda ku geliso laaluush ay siiso madaxda si ay sharciyada jilicsan ee dawladdaha Afrikaanka u dhaafiso wax walba,, waxaana marar baddan lala xidhiidhiyay inay laaluush ku bixisay wax baddan si ay u meel mariso waxyaabo khatar caafimaad keenaya oo ay tubaakada Afka laga qaataa ka mid tahay.

 Saraal lagu magcaabo Paul Hopkins, oo shirkadda BAT uga shaqaynayay dalka Kenya 13 sannadood, o, wuxuu Barnaamij lagu magcaabo Panorama oo BBCda ka baxa u sheegay in uu laaluush uu bixin jiray, isagoo xusay in loo sheegay in ganacsiga Afrika uu sidaa ku shaqeeyo, waxaana xilligaa Barnaamijka Panorama uu helay warqado sir ah oo muujinaya in lacag laaluush ah la siiyay siyaasiyiin iyo shaqaalaha dowladaha Bariga Afrika.

Shirkadda BAT, iyo wakiiladeeda, ayaa bixiya laaluushka si looga gudbo sharciga ku saabsan isticmaalka tubaakada ee gobolka Bariga Afrika, waxayna hadda u muuqataa inay qaabkaa u isticmaaleen Tubaakada ay soo geliyeen Somaliland oo ah mid wadamo badan oo dunida ah ay dalalkooda ka mamnuuceen, isla markaana Tubaakada xilligan Somaliland la keenay ayaa mudadii dhicitaankeeda uu ka hadhay laba bilood.

Dawladdaha Swedan, Finland, Australia iyo Kenya, ayaa dhammaantood horre uga soo saaray Tubaakada waraaqo caafimaad oo qeexaya in Tubaakada Afka laga qaato ee loo yaqaan LYFT, ay tahay furaha Kansarka ku dhaca Sanbabada, isla markaana ay sababi karto ilaa heer dhimasho. Sidaa awgeed ay ka joojiyeen dalalkodooda, waxaana xusid muddan in Agaasimaha ganacsiga Somaliland uu qoraalkisa hore ee ku taariikhaysan 13 April, 2020, ku sheegay inuu cuskanayo joojista tubaakada waraaqaha, isagoo tixraacaya waraaqaha caafimaad ee kasoo baxay sdalalkaa, laakiin qoraalka uu shan maalmood kadib ku fasaxay wuxuu ku sheegay in Shirkadda BAT, ay keentay cadaymo, kuwaas oo noqon kara dariiqii uu sheegay Paul Hopkins, oo ka mid ahaa shaqaalaha mudada dheer dalka Kenya u joogay shirkadda.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Shirkadda BAT, oo warbaahinta Somaliland qaarkeed baahiyeen 23 April 2020, isla markaana lagu bixiyay dhaqaale badan, waxay shirkaddu ku shaacisay in badeecaddaha ay usoo dhoofisay Somaliland ay yihiin kuwo aan keenayn dhibaato caafimaad oo la hubiyay, kuwaas oo sida ay sheegtay ay ku jiraan Tubaakada Afka laga qaato ee LYFT, taas oo aan dhicin, isla markaana waxay ku dooday in dalalka Yurub iyo Maraykan ay ku iibiyaan badeecadan oo ah Tubaakada Afka laga qaato.

Xukuumadda Dalka kenya, ayaa dhawr kun oo Kartoon oo Tubaakada shikadda BAT, ee Afka laga qaato gacanta ku dhigtay, waxayna ku tilmaantay Tubaakada mdi khatar caafimaad oo halis ah keenay, iyadoo la xaqiijiyay inay Tubaakadaasi sababto kansarka Sanbabada, sidaa awgeed aan dalkeeda lagu iibin karin, balse shirkadda BAT, ayaa martay dariiqa macaamilka Afrika, waxaana lagu warejiyay Shirkadda dhamaman Karaatuunta Tubaakada oo dhawr kun ahaa si ay u gubto, balse dhammaan Tubaakadaa oo ka sokow khatarta caafimaad ee ay keenay mudada ay ku dhacayo ay ka hadheen laba bilood waxaa lasoo geliyay dhulka Soomaalida, iyadoo 300, kartuun ee April kasoo degay madaarka Cigaal ay qayb ka ahaayeen Tubaakadaa ay Dawladda Kenya ku amartay Shirkadda inay gubto.

Shirkadda BAT, ayaa hore loogu eedeeyay inay Bariga Afrika u isticmaasho laaluush si ay ugu socodsiiso badeecaddaha Tubaakada, waxaana dabagal iyo baadhitaan ku samaysay arrintaa Hay’adda la dagaalanka Khiyaanada iyo Laaluushka ee Britein xafiiskeeda loo soo gaabiyo SFO, (Serious Fraud Office).

Balse markii ay natiijada baadhitaan soo saari weyday Hay’adda SFO, waxa loo arkay inay qayb ka noqotay waxyaabaha dhacaya ee laaluushka lagu eedeeyay BAT, waxaana xusid mudan in Ra’iisal wasaarihii hore ee Britain Theresa May ay xilligii ololaha doorashada sheegtay in ay albaabada u laabi doonto hay’adda SFO, balse hay’addaas ayaa ganaaxday markii danbe shirkaddaha Rolls-Royce iyo Tesco, kuwaas oo lagu eedeeyay inay bixiyeen laaluush iyo waxyaabo dhaqan xumo ah.

Daraasado iyo baadhitaano lagu sameeyay Tubakada Afka laga qaato ee LYFT, ayaa lagu ogaaday in ay sababan cudurka Kansarka, waxayna dhakhaatiirtu ka digeen Isticmaalka tobaakada iyo waxyaabaha kale ee tobaakada aan qiiqa lahayn, kuwaas oo ay sheegeen inay kordhisaa halista kansarka Afka – kansarka cunaha, dhabanka, ciridka, bushmaha, ama dibnaha iyo carrabka. sidoo kale, waxay sheegeen daraasadahaa in ay keeni karaan halis badan oo ah kansarka qanjidhka ‘hunguriga iyo tuubada dheer ee ka socota hunguriga ilaa caloosha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.