Suldaan Abu-Salmaan oo Joojinta Qaadka Somaliland Soo Dhaweeyey, Baaqna u Diray Jabuuti iyo Dowlad-deegaanka

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-salmaan), ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay Dowladda Somaliland iyo Ganacsatada Jaadku isla qaateen ee ah in Qaadka la joojiyo muddo bil ah, kaas oo uu ku bogaadiyey Guddiga heer Qaran ee ka Hortagga Sadhada Covid-19 oo go’aankan u qaatay yaraynta faafitaanka Cudurkaas.

Suldaan Abu-salmaan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu u Duceeyey Dalka iyo Dadka Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii Dad tobannaan Kun ah Dowladdu baadhay laga helay Xanuunka illaa Kun Qof.

Waxa uu Suldaan Abu-Salmaan Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dowladda Jabuuti u soo jeediyey inay Bisha Ramadaan joojiyaan Qaadka sida ay Somaliland ka yeeshay oo kale, waxaanu Hambalyo iyo bogaadin u diray Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka Bulshada Islaamka Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), waxa uu si guurtinnimo leh uga hadlay Shaqaaqada dhawaan ka dhacday deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo uu labada dhinac ee dhibtu dhex-martay iyo dowladdaba baaq u jeediyey.

Suldaan Abu-Salmaan mar uu ka hadlayey xaaladda Sadhada sida dhibta yar u fufaya ee Covid-19, ayuu Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ka qaybqaataan wacyigelinta xanuunka, waxaanu Shacabka u soo jeediyey inay qaataan Farriimaha caafimaadka iyo dowladda ee la xidhiidha ka hortagga iyo yaraynta faafitaanka Cudurka.

Gebogabadii Suldaan Abu-Salmaan, waxa uu ku taliyey in bisha barakaysan ee Ramadaan ee bilawga ah awgeed la muujiyo isu naxariisasho iyo iskaalmayn badan oo wax lagu tarayo Dadka danyarta ah ee Caawimada walaalohood u baahan, waxaanu Beeralayda u soo jeediyey inay xoogga saaraan wax soosaarka Dhulka oo wakhtigan muhiimad gaar ah leh, maaddaama oo Illaahay Raxmaadkiisa Gu’ga innoo shubay oo dalku roobban yahay.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan) oo qodobbadaas ka hadlaya, waxaannu Warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.