Wasaaradda Awqaafta iyo Culimada Soomaaliya oo Ku Baaqay in Taraawiixda iyo Cishaha Guryaha lagu Tukado

MADAXDA WASAARADDA AWQAAFTA IYO CULIMADA MUQDISHO 2020
MADAXDA WASAARADDA AWQAAFTA IYO CULIMADA MUQDISHO 2020

Muqdisho(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi iyo qaar kamid ah culimada Magaalada Muqdisho  ayaa waxey maanta yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadaaddada ay qeyb uga noqon lahaayeen la dagaallanka xanuunka COVID-19 oo ay dowladda hadda dagaal kula jirto.

MADAXDA WASAARADDA AWQAAFTA IYO CULIMADA MUQDISHO 2020
MADAXDA WASAARADDA AWQAAFTA IYO CULIMADA MUQDISHO 2020

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Culimo si weyn dalka looga yaqaanno ayaa waxaa la isla soo qaaday in bulshada ay u hoggaansamaan talooyinka dhinaca caafimaadka ee ka imaanaya dhaqaatiirta, waxaana la isla gartay in salaadda taraawiixda lagu tukado guryaha si faafidda xanuunka COVID-19 hoos loogu dhigo.

Culimadii ka qeybta ka  aheyd kulanka ayaa waxey sheegeen iney muhiim tahay in la qaato talada dhaqaatiirta ka timid islamarkaana ay dadka farayaan in loo hoggaansamo amarka dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Coronavirus.

Gabagabadii kulanka  waxaa ka hadlay wasiirka Wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Sheikh Nuur Maxamed Xasan waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in madaxda wasaaradda iyo Culimada ay isla qaateen dhammaan ajandayaashii shirka, isagoo shacabka ugu baaqay iney iney u hoggaansamaan bandowga, salaadda cishaha iyo taraawiixdana waxaa  uu  ku war geliyay in ay guryahooda ku tukadaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.