Korodhka Dadka u Dhintay & Inta uu Ku Dhacay Geeska iyo Wararkii u Dambeeyey ee Covid-19 & Dunida

Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020
Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020

Dunida(aftahannews):- Tirada guud ee Dadka uu Xanuunka Covid19 ku dhacay Dunida waxay maraysaa 2,588,351, halka tirada Dhimashaduna gaadhay 180,015, inta ka ladnaatay xanuunka caalamka oo dhan, ayaa lagu sheegay inay marayso 706,481.

Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020
Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020

Hase-yeeshee saacadba saacadda ka dambaysa way sii kordhayaan Dadka u dhimanaya Cudurka iyo Tirada uu ku dhacayaaba Dalalka caalamka oo dhan, sidoo kale inta ka soo kabanaysa Xanuunka Covid-19, ayaa iyaduna la kordhaysa tirooyinka dhimashada iyo inta uu asiibayo safmarku.

Dunida oo dhan dalka hoggaaminaya dhinaca tiro badnaanta waa Dalka Maraykanka oo uu Xanuunku ku dhacay 820,273, waxa cusub 1,529, halka Dhimashadu gaadhay 45,430.

Dhinaca Yurub haddaynu eegno Dalalka ugu tirada badan, isla markaana Maraykanka ku soo xigaa, waxay kala yihiin Waddamada Spain, Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Britain oo ah kuwa Qaaradda Yurub ee xanuunku dadka ugu badan ku dhacay, dhimashada badanna uu gaadhsiiyey marka laga yimaadda Maraykanka.

Qaaradda Afrika waxaa ugu horreeya, Dalalka Koonfur Afrika, Morocco, Nigeria, Argentina, Aljeeriya iyo kuwo kale.

Dhinaca dalalka geeska markaynu eegno, Somalia, waxay tirada guud maraysaa   286, halka ay dhimashadu weli tahay 8, Dadka ka ladnaadayna yihiin 4, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Kenya, ayaa shegtay in Tirada Dadka Covid-19 ku dhacay gaadhay dalkeeda 303, waxa cusub 7, dhimashadu waxay maraysaa 14 Qof, halka ay Xanuunka ka ladnaadeen 74 Ruux.

Dowladda Itoobiya, waxay Dhinaceeda sheegtay in Tirada Dadka ay Xanuunka ka heshay marayso 116, kuwaas oo ay laba Kiis oo ka mid ahi cusub yihiin, halka ay dhimashadu ka tahay 3 Ruux, inta ka ladnaatayna 21 Qof.

Dalka Jamhuuriyadda Djibouti, tirada guud waxay maraysaa 974, waxa cusub 29, dhimashadu weli waa 2, halka ay dadka ka ladnaaday yihiin 183, sida ay Dowladda Jabuuti sheegtay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.