Jabuuti iyo Soomaaliya oo Tirada Dadka laga Helay Covid-19 Si Xawli ah u Korodhay

Breaking_news-5

Dunida (aftahannews):- Soomaaliya tirada guud ee Covid-19 laga helay waa 237, dhimashaduna waa 8, waxaa ka ladnaaday 4 Qof, sida ay 21-ka April 2020 Warbaahinta u caddaysay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Foosiya Abiikar Nuur.  

Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020
Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020

    

Kenya Tirada dadka xanuunku ku dhacay waa 296, waxaa cusub 15, Dhimashaduna waxay maraysaa 14, halka 74 Ruux ka ladnaadeen Xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Dalka Itoobiya, waxay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay Tirada guud ee Dadka xanuunku ku dhacay marayso 114 ay 3 Kiis cusub yihiin, halka ay dhimashadu tahay 3 Ruux, inta ka ladnaatayna 16 Qof.

Dhinaca Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ugu tiro badan dalalkan, waxay maraysaa Tirada Dadka xanuunku soo ritay 945, waxa cusub 99 Qof, halka dhimashadu laba Qof tahay, waxaana ka bogsaday 112 QOF.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo Isniintii 20-KA April 2020 Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa ugu Baaqay Bulshada Reer Jabuuti inay qaataan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee ay dowladdu u jeediso, oo uu tilmaamay inay jiraan weli dad badan oo iska dhego-marinaya ku dhaqanka talooyinkaas.

Waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka codsaday Shacabka reer Jabuuti inaanay Dowladda ku kellifan inay qaaddo tallaabooyin qallafsan, sida bandoo aan qof soo baxa la arag iyo wixii la mid ah.

Madaxweyne Geelle, waxa uu sheegay nasiib wanaag inaanay dhimashadu badnayd, balse Dad badan xanuunka laga helay oo uu bulshada ku faafay, dowladduna ay ku dedaalayso inay xakamayso faafitaanka cudurka, sidaa awgeedna dadweynaha looga baahan yahay inay garab-istaagaan dowladda.

Geesta kale, Tirada guud ee Dadka Dunida uu ku dhacay Cudurka COVID-19, ayaa maraysa 2,511,816, halka ay Dhimashadu gaadhay 173,359 Caalamka oo dhan, tirada Dadka ka ladnaaday amma ka soo kabtayna waxa lagu sheegay inay marayso 660,045, iyadoo tiradu marba marka ka dambaysa sii kordhaysa.

Hase-yeeshee, Tirada guud ee Dalalka Dunida, waxaa weli hoggaanka u haya oo ugu Dad badan inta xanuunku ku dhacay iyo inta u dhimatayba, waxaanay maraysaa intuu ku dhacay USA 794,635, waxa cusub 1,876, dhimashaduna waa 43,132, waxaana cusub 618, halka Dadka ka ladnaadayna yihiin 72,410 Maraykanka, balse saacad kasta tiradu kor bay u sii kacaysaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.