Faysal Cali Waraabe oo Baaqyo Culus Shacabka u Diray, Saluugna ka muujiyey Hoggamainta Md. Biixi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanu ku qanacsanayn ee uu saluugsan yahay hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland ee wakhtigan Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa uu ku baaqay in la soo afjaro shaqaaqada deegaanka Fadhigaab oo Ceel-afweyn ka tirsan ku dhex-martay Jufooyin halkaas wada dega.

Guddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay Bulshada Somaliland inay qaataan talooyinka caafimaad ee la xidhiidha yaraynta faafitaanka Cudurka Covid-19. Sidoo kale, Culimada ayuu u soo jeediyey inay ajiibaan yaraynta salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada Shacabka loo badbaadiyo.

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID, waxa uu qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu Salaasada 21-ka April 2020 ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanannu Warkiisa oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.