Tirada Dadka laga Helay Covid-19 ee Djibouti, Somalia, Ethiopia, Kenya & Maraykan oo Xadhkaha goosatay

Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020
Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020

Dunida(aftahannews):- Dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, ayey kordheen Tirada Dadka uu soo ritay Xanuunka aan xuduuduhu celin ee Covid-19 ee Caalamka saamaynta xooggan ku yeeshay.

Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020
Coronavirus Covid19 OF THE WORLD 2020

Waddanka Jamhuuriyadda Djibouti oo ugu tiro badan dalalkan, waxay maraysaa Tirada Dadka xanuunku soo ritay 846, halka dhimashadu laba Qof tahay, waxaana ka bogsaday 102 QOF Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo Isniinta 20-KA April 2020 Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa ugu Baaqay Bulshada Reer Jabuuti inay qaataan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee ay dowladdu u jeediso, oo uu tilmaamay inay jiraan weli dad badan oo iska dhego-marinaya ku dhaqanka talooyinkaas.

Waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka codsaday Shacabka reer Jabuuti inaanay Dowladda ku kellifan inay qaaddo tallaabooyin qallafsan, sida bandoo aan qof soo baxa la arag iyo wixii la mid ah.

Madaxweyne Geelle, waxa uu sheegay nasiib wanaag inaanay dhimashadu badnayd, balse Dad badan xanuunka laga helay oo uu bulshada ku faafay, dowladduna ay ku dedaalayso inay xakamayso faafitaanka cudurka, sidaa awgeedna dadweynaha looga baahan yahay inay garab-istaagaan dowladda.

Dalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka Dr. Foosiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in Tirada Dadka Cudurku ku dhacay maraysaa 165 Qof, halka dhimashaduna ka tahay 7 Ruux. Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Dalka Itoobiya 111 Qof ayey Tirada Corona-virus laga helay maraysaa, waxa cusub 3 kiis, dhimashaduna weli waa 3 Qof, sida ay sheegtay wasaaradda CIyaaraha Itoobiya.

Kenya tirada guud waxay maraysaa inta ay dowladdu shaacisay 281, oo ay cusub yihiin 11 kiis, dhimashaduna waxay gaadhay 14 ruux, sida ay caddaysay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Geesta kale, Tirada guud ee Dadka Dunida uu ku dhacay Cudurka COVID 19 AYAA maraysa 2,467,519, halka ay Dhimashadu gaadhay 169,398 Caalamka oo dhan, tirada Dadka ka ladnaaday amma ka soo kabtayna waxa lagu sheegay inay marayso 644,589.

Hase-yeeshee, Tirada guud ee Dalalka Dunida, waxaa weli hoggaanka u haya oo ugu Dad badan inta xanuunku ku dhacay iyo inta u dhimatayba, waxaanay maraysaa intuu ku dhacay USA 784,201, waxa cusub 19,565, dhimashaduna waa  41,837, waxaana cusub 1,262, halka Dadka ka ladnaadayna yihiin 71,770 Maraykanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.