Somaliland: Xukuumadda oo Ka Dayrisay Dhaqaaleheeda, Ganacsatadana Baaq u Jeedisay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirrada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Xubno ka ah Guddiga ka Hor-tagga Cudurka Covid-19 ee heer Qaran oo Isniintii maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Dalka, ayaa sheegay inuu soo u dhac xooggani soo food-saaray oddoroskii Dhaqaalaha dowladda ee 2020, xannibaadaha Corona-virus ee Dunida saameeyey awgii.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Warfaafinta, Sacad Cali Shire iyo Saleebaan Cali Koore, ayaa Ganacsatada u soo jeediyey inay Bulshada jilicsan u naxariistaan wakhtigan Cudurku Dalka soo gaadhay, dunidana saameeyey, isla markaana ay soo galayso Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Haddaba, Wasiir Sacad iyo Wasiir Koore oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, waxaannu Warkooda oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.