Wasiirka Warrfaafinta oo ka Hadlay Ganacsade Gafuur-xidh iyo Gacmo-gashi badan Somaliland ku wareejiyey

WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg
WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somalialnd, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa u mahad-celiyey Ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahin oo Xukuumadda soo gaadhsiiyey Hal Milyan iyo Afar Boqol oo Kun oo Agabka ka hortagga Xannuunka Covid-19, gaar ahaan kuwa loo adeegsado in Gafuur-xidhka iyo gacmo-gashiga.

WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg
WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE 2020.jpg

Qoraal uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, ayuu ku sheegay inuu isagoo ku hadlaya afka Xukuumadda, aad ugu mahad-celinayo Mulkiilaha Shirkadda World Remit, waxaanu qoraalku u dhignaa sidatan:-

“Anniga oo ku hadlaya afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan si aad iyo aad ah uga mahad-celinaynaa ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahim oo ah Somalilander si dhab ah u muujiyey dareenkiisa wadanimo, isagoo gartay in uu gurmad agab caafimaad ah ugu deeqo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid wax ka taraya ka hortaga COVID19.

Ganacsade Axmed Ismaaciil, waxa uu soo gaadhsiiyey xukuumadda HAL MILYAN IYO AFAR BOQOL OO KUN. Oo ah agabka ka hortaga COVID19 ee afka iyo sanka lagu xidho ee Mask protection.

Waxa kale oo aan ku amaanayaa Axmed is Xilqaankiisa wadanimo iyo garashadiisa fayoow ee uu ku gartay baahida dadkiisa iyo dalkiisa u qabaan agabkan caafimaad xiligan oo dunidu ku jihaysan tahay la dagaalanka cudurka COVID19.

Runtii caalamka oo dhan waxa ay ku jiraan dagaalka COVID19, geesiguna maaha ka xabada oo kaliya ku dagaalama, balse kan xaaladda aynu hada ku jirnaa waa dagaal, waxana kooxaha caafimaadka ee u adeega dadka uu soo ritay cudurkan loo aqoonsaday geesiyaal, sidaa darteed waxaynu Axmed u aqoonsanay geesi usoo gurmaday dadkiisa xili loo baahnaa.

Gunaanadkii Waxa uu Wasiirku ka Dalbaday Ganacsatada kale ee dalku inay talaabadan oo Kale qaadan Waxaanu qoraalkiisa ku Yidhi ”Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniintaba dalkaba waxa looga baahan yahay in ay ku daydaan Geesiga  Axmed Ismaaciil oo ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro cudurkan aafeeyey dunida oo dalkeenana hadda laga helay raadadkii u horreeyey ee COVID19.” sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Koore.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.