Sanaag: Askar Ciidanka Qaranka Somaliland Ka Tirsan Oo Dhimasho iyo Dhaawac Kala Kulmay Shil Gaadhi  

Ceerigaabo(aftahannews):- Ugu yaraan Hal Askari, ayaa ku geeriyooday, Sagaal Askari oo kale oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Somaliland-na way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay Galbeedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Weriyaha Ceerigaabo ee Baddacas24TV Siciid Muuse Faarax, ayaa ku soo warramaya in gaadhiga Ciidanku saarnaa gelinkii dambe ee Axadda maanta ka soo ambabaxay dhanka Ceerigaabo, isla markaana marka Shilku ku yimi ku sii jeeday deegaanka Fadhigaab oo degmada Ceel-afweyn ka tirsan, halkaas oo gelinkii hore ee Axadda maanta dagaal ku dhex-maray laba Jufo oo deegaankaas wada dega.

Gaadhiga Ciidanku watay, ayaa shilka galay intii aanu gaadhin Fadhigaab oo ay doonayeen inay dhinacyada shaqaaqadu dhex-martay ku kala dhex-galaan, waxaana halkaas ku nafwaayey Allaah ha u naxariistee hal Askari, halka ay 9 Askari oo kalena ku dhaawacmeen.

Weriye Siciid Qurbaawi, ayaa sheegay in Meydka iyo Dhaawaca Askarta loo qaaday fiidkii hore ee caawaba la gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo Askarta qaar dhaawacyadoodu cuslaayeen laga soo qaaday, isla markaana dhinaca Caasimadda Hargeysa loola soo cararay, sida uu Qurbaawi ku warramay.

Haddaba, Warka Weriyuhu ka soo diray Ceerigaabo iyo Muuqaalka Dhaawacyadaas Ciidanka-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.