Duqa Muqdisho oo Shaaciyey inay Diyaariyeen Dad loo Tabobbaray Aasidda Dadka u Dhinta Covid-19

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.jpg
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish, ayaa sheegay inay diyaariyeen dad si gaar ah u tabobbaran oo aasi doona Meydadka Dadka u dhinta Cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.jpg
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.jpg

Cumar Finish, ayaa sheegay inay Dadka ka wacyigeliyeen halista Covid19, isla markaana ay sameeyaan goobaha faraxalka iyo wacyigelin caafimaad, sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ay uga digeen in ay isku yimaadaan.

“Covid19 ma lahan  daaweeyn  laakiin waxaan xooga saarnay inaan wacyigalino shacabka, waxaan sameeynay boorar aan ku dhajinay isgoosyada, waxaana meelaha qaar geeynay agabka faraxalka, waxaan ku dadaalnay inan dadka kala fogeeyno iyo inaan shirar laqaban.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Finish oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaan diyaarinay koox u tababaran inaay aasaan qofka u geeriyooda cudurka Covid19, kooxdan waxaa kujira dad culimo ah oo dadka ka wacyigalineeysa inaaysan soo tuuran goobta meeydka lagu asturaayo, waxaan dadka usoo jeedinayaa inaay qaataan talooyinka kooxaha caafimaadka si looga hortago cudurka.”

Kulanka joogtada ah ee Gudiga ka hortagga Xanuunkan dunida saameeyey, ayaa lagu dhageystay Dhaqaatiir iyo madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadku ay soo bandhigtay halista cudurka iyo sida xawliga ah ee uu u faafayo.

Wasaaradda, ayaa sheegtay in tiradii ugu dambeeysay ay ahaayd 19 ruux oo uu soo ritay xanuunka, waxaana tirada guud aay mareeysaa 135 qof oo laxanuunsana cudurka Covid19, halka ay Dadka ugu dhintay Soomaaliya marayaan 7 Qof, marka loo eego Warbixintii Sabtida ee Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.