Ra’iisal-wasaare Khayre oo Si Qiiro leh uga Hadlay Halista Covid-19, Shacabka iyo Ganacsatadana Baaq u Diray

RA'IISAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2020.jpg
RA'IISAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2020.jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo caawa ka hadlay dhibaatada uu Covid-19 oo ku sii kordhaya Dalka, ayaa si qiiro leh ula hadlay Shacabka Soomaaliyeed iyo weliba Ganacsatada dalka, waxaanu soo jeediyey inay qaataan talooyinka Dhakhaatiirta iyo Wasaaradda Caafimaadka sida joogtada ah ugu gudbinayaan Bulshada, si loo yareeyo faafitaanka Cudurka.

RA'IISAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2020.jpg
RA’IISAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2020.jpg

Waxa uu sheegay Ra’iisal-wasaare Khayre sheegay inay Cudurka ka badbaadiyaan cidda weelaysa taloooyinka caafimaad, waxaanu ugu baaqay Ganacsatada dalka inay Dadkooda u naxariistaan Fadliga Bisha barakaysan ee Ramadaan ee la galayo iyo xaaladda xayiraadda ka hortagga Cudurka Covid-19 oo uu xusay inuu Dad badan oo Soomaaliyeed saameeyey.

“Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn.” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Khayre.

Ra’iisal-wasaaaraha Soomaaliya, ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah.

Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.