Tirada Dhimashada iyo Dadka u Soo Dhacay Covid-19 ee Soomaaliya, Dalalka Geeska & Dunida oo Kordhay

Muqdisho(aftahannews):- Dalka Soomaaliya Tirada Dadka Covid19 laga helay waxay maraysaa 135, waxaa cusub Kiis, dhimashadu 7Qof bay gaadhay, waxa ka ladnaaday cudurka laba qof, halka laba kale xaaladdooda caafimaad culus tahay, sida ay Warbaahinta u sheegtay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Foosiya Abiikar Nuur.

Ugu horreyn Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixinaysa korodhka kiisaska dhimashada iyo inta laga helay Covid-19, kaga bogo muuqaalkan hoose warbixinteeda:-

Ethiopia Tirada guud 105 inta cusubi waa 9, dhimashadu waa 3, halka ay ka ladnaadeen xanuunka 16 Ruux. Sidoo kale, waddanka Kenya, waxay Tirada guud ee Dadka Xanuunka laga helay maraysaa 262, waxaa cusub 16 Kiis, dhimashadu waa 12 hal Qof baa cusub 1, inta ka ladnaatayna waa 60 Qof, sida ay Wasaaradda Caafimaadka Kenya sheegtay.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, maanta kiisas cusub lagama soo sheegin, hase-yeeshee, Maalmihii Khamiistii iyo Jimcihii ayaa tiradii ugu badnayd laga helay Jabuuti, iyadoo Wasaaradda caafimaadka Jabuuti sheegtay inay Jimcihii diiwaangelisay 141 Qof oo cudurka laga helay, halka Khamiistii 156 Qof xanuunka laga helay, waxaanay Tirada guud ee Covid19 maraysaa Jabuuti 732 Qof, halka ay laba Ruux u dhinteen, 76 Qofna ka ladnaadeen Cudurka.

Maraykanka, Tirada Dadka uu Covid-19 ku dhacay waa 728,293, waxaa cusub 18,558, tirada Dhimashada ayaa kor uga sii socota 38,244, waxaana cusub 1,090, halka ay Xanuunka ka ladnaadeen 63,955 USA.

Dalka Spain oo kaalinta labaad ku ugu jira tirada Dadka uu ku dhacay xanuuunku, waxay maraysaa 191,726, waxa cusub 887, dhimashada, ayaa sii socota 20,043 Qof oo ay cusub yihiin 41, halka Dadka ka soo kabtay xumadda xanuunku ay tahay 74,797.

Talyaaniga oo kaalinta saddexaad ku jira, ayaa tirada Dadka uu ku dhacay maraysaa 175,925, Xagga dhinaca Dhimashada uu kaalinta labaad ka noqonayo, isla markaana ay marayso 23,227 Dadka Talyaaniga ugu dhintay xanuunka oo ay cusub yihiin 482, halka ay ka ladnaadeen 44,927.

Dhinaca Dalka Ecuador war naxdin leh, ayaa laga soo sheegayaa, waxaanay Dowladda waddankaasi sheegtay in 6,700 oo qof ay gobolka Guayas ku dhinteen labadii toddoobaad ee ugu horreysay bishan April. Guayas ayaa ah magaalada ugu weyn dalkaas, aad ayuuna u saameeyay Cudurka Covid-19.

Muuqaal ay heshay BBC-du ayaa muujinaya dadka deegaanka oo meydka guryahooda ku haya muddo ka badan shan maalmood, waxaanay shacabku ku doodeen in maamulku uu awoodi kari waayay inuu hayo oo xakameeyo tirada dhimashada ee sare u kacday, taas oo sababtay in meydadka oo lagu duubay marooyin, isla markaana aan la aasin ee ay iska yaallaan guryaha qoysaskooda iyo xitaa waddooyinka.

Madaxa Booliska Jorge Wated, ayaa sheegay in bilowgii toddobadkan guryaha magaaladaas laga daabulay 771 oo meyd. Tirakoobka dowladda ee dadka ku geeriyooday gobolka Guayas ayaa hadda maraysa 14,561.

Hase-yeeshee, Markaynu eegno guud ahaan Dalalka caalamka Dadka ugu dhintay Cudurka Covid-19, Waa 2,313,897 Dunida oo dhan, halka ay Dhimashadu marayso 159,033 Qof, halka ay ka ladnaadeen 591,297. Hase-yeeshee, saacadba saacadda ka dambaysa waxaa sii kordhaya Tirada Dadka uu soo ridanayo Xanuunku iyo inta u dhimanaysa Caalamka, inkastoo dalalku ku kala badan yihiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.