Sadhada Covid-19 ee Caalamka Saamaysay iyo Dhacdooyinkii u Dambeeyey ee Afrika illaa Maraykan!

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Dunida(aftahannews):- Sadhada aan weli Dawada loo helin ee weerara Sambabka Aadamaha ee Covid-19, ayaa si aan xad lahayn ugu sii fidaya dalalka caalamka oo idil, marka laga reebo dhawr waddan oo keliya.

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Tirada Dadka uu asiibay waxay hadda marayaan 1,988,770 dunida oo dhan, halka uu galaaftay amma ay u dhinteen 125,623 Qof, marka loo eego Warbixinaha u dambeeyey ee Hay’adaha iyo Jaamacadaha kala duwan ee xog-ururinta kiisaska cudurka ku mashquulsan, waxaanay  intaas ku dareen inay ka ladnaadeen Xanuunka 466,948, waxaase daqiiqad kasta sii kordhaysa tirada Dadka uu saamaynayo.

Haddaba, Xanuunka Covid-19 oo Dabayaaqada 2019-kii ka bilaabmay Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, isla markaana saamayn aan la sii saadaalin ku yeeshay guud ahaan bulshada Caalamka, isu-socodkii guud ee Dunidana is-baaro lama dhaafaan ah weli ku ah, ayaa Dalalka Afrika oo u muuqday inuu markii hore si qunyar ah uga bilaabmay, ayaa hadda la moodaa inuu Miciyo Libaax ula soo baxayo.

Hayeeshee, aynu eegno Dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan kuwa Somaliland la jaarka ah. Aynu ku horreynee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Dadka xanuunku covid19 ku dhacay waa 363, waxa cusub 65 Kiis, halka ay dhimashada laba qof ku sheegtay Wasaaradda caafimaadka Jabuuti. Waxaanay intaas ku dartay 53 Qof ka ladnaadeen Xanuunka. Halka weli la baxnaaninayo xaaladdooda caafimaad 308.        

Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Kenya, ayaa shaacisay 216 Qof uu ku dhacay Cudurku, +8 Kiis ayaa cusub, dhimashaduna 9 Qoq Kenya, inta ka soo kabatay xanuunka waa 41 Ruux.

Ethiopia waxa uu covid-19 ku dhacay 82 Qof,  inta cusub   waa 8 Kiis, dhimashaduna 3 Ruux, 14 Qofna way ka ladnaadeen xanuunka, sida ay wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya shaacisay.

Dalka Soomaaliya, ayaa isna u muuqda inuu xanuunku ku sii faafayo, isla markaana tiradada Dadka uu ku dhacay, ayaa maraysa 62 Ruux, waxaana cudurkaas u geeriyooday 2 Qof, halka Dad soddon ka badan oo xanuunka looga shakisan yahay lagu hayo Karantiinno Muqdisho, Kismaayo iyo magaalooyin kale lagu hayo, lana dhawrayo xaaladdooda caafimaad.

Si Kastaba ha ahaatee, Waddanka Maraykanka, ayaa hoggaaminaya Dalalka Adduunka ee uu Covid-19 saameeyey marka la eego tirada dadka uu soo riday iyo inta ugu dhimatay.

Tirada Dadka uu ku dhacay Maraykanka waa 608,988, waxa cusub 22,047. Dhimashada tirada guud ee USA, ayaa maraysa 25,671, halka ay cusub yihiin 24-kii saac ee u dambeeyey  +2,031 oo dhimasho ah, Dadka ka soo kabtay dalkaasna waa 38,479.

Waxa kaalinta labaad ku jira Dalka Spain oo tirada Dadkuu haleelay Cudurku marayso 172,541, tirada cusub ayaa ah 2,442, halka ay dhimashadu marayso 18,056 oo ay kiisaska cusubi yihiin 300.

Talyaaniga oo isna ku jira kaalinta saddexaad ee dalalka Dadkii ugu badnaa ugu dhintay xanuunka, ayaa ayuu asiibay 162,488, waxa cusub 2,972, halka ay dhimashaduna socoto 21,067, dhimashada cusibina waa 602.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO oo si gaar ah isha ugu haysa isbeddelka iyo saamaynta maalin kasta ka dhalanaysa cudurka, ayaa si aad ah uga digtay awoodda faafitaanka Xanuunka Covid-19, waxaanay tilmaantay in cudurku uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa, taasoo muujinaysa in xawliga iyo awoodda faafitaankiisa ee dunida oo idil ay tahay mid aad u sarraysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.