Waa Maxay Awoodaha Somaliland u Diiday inay Joojiso Qaadka Itoobiya oo Halistiisa laga Digay?

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Sheegtay inaanay Awood u lahayn Wakhtigan Joojinta Qaadka uga yimaadda Dalka Itoobiya oo aad looga dayriyey Saamaynta Caafimaad ee ka dhalan karta, iyada oo ogsoon oo qiraysa dhibaatooyinka uu dalka iyo dadka ku hayo Jaadku.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Salaasadii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey haddii ay u jeedaan ka hor-tag rasmi ah oo la xidhiidha Cudurka Covid-19, ayaa ku dooday inaanay wakhtigan awoodin joojinta Qaadka.

Awoodda aanay u lahayn wakhtigan inay Somaliland Jaadka Itoobiya uga yimaadda joojiso, ayuu Wasiir Koore ku macneeyey mid la xidhiidha Xadka dheer ee ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, tirada Ciidanka uu uga baahan yahay oo aanay heli karin xilligan xaaladda gudaha ka jirta ee xanuunka la xidhiidha darteed iyo qodobbo kale oo danaynta iyo doonista Qaadka ee Bulshadu qayb ka yihiin.

Wasiirka Warfaafinta oo sharraxaya qodobbadaas iyo kuwo kale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.