Soomaaliya oo Shaacisay in 35 Qof oo Cusub laga Helay Covid-19 & Magaalooyinka ay Kala Joogaan

Breaking_news-5

Muqdisho(Aftahannews):- Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa caawa xaqiijisay in la diiwaangeliyay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey 35 Qof oo cusub oo laga helay Cudurka Covid-19, kaas oo ku sii fidaya Soomaaliya, isla markaana tirada ka dhigaya 60 Qof.

Breaking_news-5
Breaking_news-5

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha federaalka Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu soo ururiyey Warbixinta maalin laha ah ee Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaaihnta aftahannews.com,  waxaanu qoraalkaas oo Soomaali iyo English-ba ku qorani u dhignaa sidatan:-

“Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in 35-ka kiis ee cusub ee Coronavirus 32 ku suganyihiin magaalada Muqdisho, laba kalena laga diiwaangeliyay Hargeysa, Booramana laga helay Qofkii ugu horreeyay magaaladaas.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in xaaladaha Isniintii maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaangeliyay Soomaaliya ka dhigayaan 60 xaaladood.

52 ka mid ah Bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay, waxaanay ku karantiimaysan yihiin guryahooda, seddax ka mid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Cusbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur, waxay ugu Baaqday Bulshada inay guryahooda joogaan haddii aanay jirin arrimo muhiim u ah nolosha, isla markaana ay kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qaba cudurrada kale, sida macaanka, dhiig-karka iyo xanuunnada kale.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka.

Sidoo kale, Qoraalka isla warkan ee luuqadda Ingiriisida ku qoran, ayaa isna u dhignaa sidatan:-

“Government confirms 35 more Coronavirus cases

Mogadishu, Monday, April 13, 2020— The Federal Government of Somalia on Monday confirmed 35 new cases of the novel Coronavirus, bringing the total number of COVID-19 cases in the country to 60.

32 of the new cases were registered in Mogadishu, while two cases were recorded in Hargeisa and one was found in Borama, making it the first Corona case in the town.

In the daily COVID-19 update, Health Minister, HE Fowsia Abikar Nur explained that 52 of the confirmed cases are recovering in their houses where they self-isolated. One more patient is recuperating at an isolation center in the Halane camp.

Minister Fowsia reiterated pleas to the public to stay at their homes, observe social distancing, and offer special care to the elderly and people with chronic illnesses.—END—

Communications and media department/ Mogadishu, Somalia.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.