Somaliland oo Go’aan Ka Gaadhay Masaajiddada, Ajaanibka bilaa Sharciga ah & Adeegsiga Gaadiidka Dadweynaha

GUDDIGA KA HORTAGGA COVID-19 EE QARANKA SOMALILAND OO WAR CUSUB SOO SAARAY 2020.jpg
GUDDIGA KA HORTAGGA COVID-19 EE QARANKA SOMALILAND OO WAR CUSUB SOO SAARAY 2020.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga heer Qaran ee Ka-hor-tagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in muddo 4 todobaad ah la xidho Masaajidada, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay ku tukadaan Guryahooda iyo goobahooda ganacsi, sidoo kale waxay go’aanno ka soo saareen joogitaanka Ajaanibka aan sharciga haysan, adeegsiga gaadiidka Dadweynaha iyo arrimo kale.

GUDDIGA KA HORTAGGA COVID-19 EE QARANKA SOMALILAND OO WAR CUSUB SOO SAARAY 2020.jpg
GUDDIGA KA HORTAGGA COVID-19 EE QARANKA SOMALILAND OO WAR CUSUB SOO SAARAY 2020.jpg

Go’aammada Guddiga Qaran, ayaa ka koobnaa Toban Qodob oo kale duwan, waxaanay Dadka Ajaanibka ah ee sharci-darrada ku jooga dalka ugu baaqeen inay muddo 5 maalmood gudahood ah kaga baxaan Somaliland.

“Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan ‘In Shareecadeenna suubban av u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xagiijiyo daruufo adag, sida xanuunada faafa iwm’ iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Muadiniinta Masoajidada waxa Ia farayaa in ay Eedaanka solaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii Rixaalikum).”  Sidaas ayay Guddigu ku yidhaahdeen Warkooda qoraalka ah.

Waxa kale oo go’aamada Guddiga lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka April oo ku beegan Arbaca todobaadkan ay dalka isaga baxaan Dadka Ajaanibka ah ee aan sifo sharci ah ku joogin gudaha Somaliland, waxaana lagu yidhi Qoraalka Guddiga oo sii socday sidan;  “Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa In ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.