Somalia: 9 Qof oo Cusub oo laga Helay Covid-19, Cabsida Bulshada iyo Bandoo lagu Soo Rogay Muqdisho

WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA FOYSIYA ABIIKAR NUUR
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA FOYSIYA ABIIKAR NUUR

Muqdisho(aftahannews):- 9 Qof oo cusub, ayaa laga helay Caabuqa Covid-19 Dalka Soomaaliya, sida ay Shaacisay Jicmihii maanta Wasaaradda Caafimaadku, kuwaaas oo tirada kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ka dhigaya 21 Ruux.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday in Jimcaha maanta 9 Qof oo cusub xanuunka Covid-19 laga helay, taas oo muujineysa in Bukaannada xanuunku ku dhacay ku soo badanayaan Soomaaliya, iyadoo Duqa Muqdishona Khamiistii sheegay in dad badani cudurkaas ugu dhinteen Muqdisho, qaar badanina u jiifaan, hadalkaas oo cabsi badan ku abuuray Bulshada caasimadda iyo guud ahaan dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah dadka qaaday xanuunkan ee maanta la xaqiijiyay ay hore ula macaamileen Dad Covid-19 hore looga helay.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Cudurku Bulshada ku dhex-faafay, ayaa bilawday inay Masaajiddada Muqdisho Salaaddii Jimce la isugu iman maanta, waxaana caawa lagu soo warramayaa inay Dowladdu Muqdisho ku soo rogtay Bandoo dhinaca isu socodka Dadka iyo gaadiidka ah, si loo yareeyo faafitaanka xanuunka dunida aafeeyey.

Dadka laga helay Cudurka ee Jimcaha la shaaciyey, waxaa ka mid ah Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, sida lagu sheegay War-Saxaafadeedka Wasaaradda Caafimaadka, taas oo wadarta guud ee shaqaalaha Wasaaraddaas ee xanuunka laga helay ka dhigeysa 4 Qof, maaddaama oo laba Dhakhaatiirta Caafimaadka ka mid ahna laga helay Toddobaadkii tegay.

War-saxaafadeedka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 ka mid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay. • Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4).

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan. •Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.” sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

DAD CUSUB OO LAGA HELAY COVID-19 MUQDISHO
DAD CUSUB OO LAGA HELAY COVID-19 MUQDISHO

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somaliland.