Drs. Edna Aadan oo War Farxad leh Shaacisay, Shacabka Somaliland iyo Soomaalidaba Baaq Culus u Dirtay

Hargeysa(aftahannews):- Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa sheegtay inay Dalka Dibeddiisa u dirtay Shaybaadhka lagu ogaado Cudurka Covid-19 oo Dalka iyo Dadku Baahi weyn u qabaan xilligan Dunidu la ciirciirayso Sadhada Shiinaha ka faaftay ee caalamka wada gaadhay.

Drs. Edna Aadan waxay sheegtay in Cusbitaalkeedu diyaariyey maryaha afka lagu xidho, si aan neefta qofku u gaadhin qofka kale oo dunida gabaabsi ku noqday, isla markaana dalka cidhiidhi ku noqday helitaankoodu, kuwaas oo ujeeddada qalabka afka laga leeyahay buuxin kara.

Waxaannu Edna Aadan oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaysa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.