Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyo Ka Dhacay Puntland iyo Hirshabeelle

QARAX
QARAX

Somalia(aftahannews):- Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha dhexe ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday Ciidanka Burundi oo ka mid ah Ciidammada Hawlgalka Nabad ilaalinta u jooga ee Midawga Afrika, qaraxaas oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Goloolley xilli ay Ciidanku ku jireen socod ilaalo ah.

QARAX
QARAX

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas, hase-yeeshee, Dadka deegaanku waxay sheegeen in ay arkeen gaadhi kuwa Ciidammada oo qaraxa uu burburiyay. Balse illaa hadda wax war ahi kama soo bixin Taliska Ciidammada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya toona, hase-yeeshee, Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas oo ay ku tilmaantay mid guulaystay marka bartilmaameedkooda loo eego.

Waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, ayaa noqotay mid aad u halis badan, isla markaana Kooxda Al-Shabaab ay ka geysato weerarro kala duwan oo qorshaysan, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsadaan Ciidammada Midawga Afrika iyo Masuuliyiinta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, marar kala duwanna Dad Masuuliyiini ku jiraan iyo Ciidammo ay ku dileen Qaraxyo kan oo kale ah.

Geesta kale, Magaalada Bosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee Puntland, ayaa xalay qarax ka dhacay Istaan laga raaco gaadiidka isaga kala goosha magaalada ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 Qof.

Qaraxa oo ka dhashay Miino jidka la dhigay, ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa Baabuur ay la socdeen Ciidammo ku gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka Bandooga xilliga habeenkii ah ee Dowladda Puntland ku Soo Rogtay magaalooyinkeeda si looga hortago faafitaanka Cudurka COVID19.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay isugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli ay guud ahaan magaalooyinka Puntland ka dhaqan-galeen bandoow habeenkii ah. Todobaadki hore ayay aheyd marki qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Garoowe lagu dilay Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Ciidammona lagu dhaawacay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.