Somalia: Qofkii ugu Horreeyey ee u Geeriyooday Cudurka Covid-19 & Tiro Cusub oo la Shaaciyey

Breaking_news-5

Muqdisho(aftahannews):- Dalka Soomaaliya Qofkii ugu horreeyey, ayaa u geeriyooday Cudurka Dunida aadka ugu faafay ee COVID-19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

Breaking_news-5
Breaking_news-5

Wasiirka Caafimaadka Federaalka Soomaaliya Drs Foosiya Abiikar, ayaa Xaqiijisay in Qofka cudurka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho yahay Muwaaddin Soomaaliyeed oo ay Da’diisa ku sheegtay 58 sano jir, kaas oo ay Wasaaraddu Salaasadii shalay sheegtay in Cudurka laga helay, Arbacada maanta uu u u geeriyooday Covid-19.

WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA 2020
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA 2020

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, waxa qoraalka ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ku xaqiijisay Geerida Marxuumkaas iyo afar Qof oo cusub oo laga helay Xanuunka, iyadoo uga digtay Bulshada is-dhex-socodka, isla markaana u soo jeedisay inay qaataan talooyinka iyo amarrada Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga ka hortagga Qaran ee Cudurka.

Tirada Dadka xanuunka laga helay oo hore u ahayd 8 Qof oo qaar ajaanib yihiin, waxaanay hadda noqonaysa tirada xanuunka laga helay Soomaaliya 12 Ruux, oo midkood dhintay.

Dhinaca Somaliland illaa hadda laba Qof oo midkood Ajaanib yahay oo Burco iyo Berbera ku kula sugan, ayaa ka jira inta la caddeeyey, halka ay jiraan 20 Qof oo Guddiga Ka-horragga Covid-19 ee Somaliland sheegeen Salaasadii in laga shakiyey, isla markaana natiijada baadhitaannadooda oo dibedda loo diray la sugayo.

Cudurkan Dunida ku fiday oo ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqada 2019-kii, ayaa Tirada Dadka uu ku dhacay Xanuunka Covid-19 Dunida oo dhan inta la diiwaangeliyey ay hadda maraysa 1,468,765, halka Dadka u dhintay ay yahay 85,442, inta ka ladnaatay, ayaa Warbixinaha u dambeeyey ee dunida lagu sheegay inay tahay 316,254.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.